X

Uganda Oo Ka Wer –Wersan Weeraro Kaga Yimaada Al-shabaab

Kampala(ANN)Dawlada Uganda ayaa ka wer-wersan weeraro dhinaca ammaanka ah oo kaga yimaada xarakada Al-shabaab ee ciidamadoodu qaybta ka yihiin ciidammada dagaalka kula jira guddaha dalka Somalia.

Ciidammada ammaanka dalka Ugunda heeggan buuxa la geliyay, waxaana la adkeeyay ammaanka xarumaha iyo goobaha muhiimka ah. kaddib markii sirdoonka dalkaasi ay heleen macluumaad sheegaya in Al-Shabaab ay damacsan yihiin fulinta weeraro argagixiso, weerarada ayaa la sheegayaa in kooxda ay damacsan yihiin in ay ka fuliyaan goobo waxbarasho iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Taliyaha Booliska Uganda Kale Kayihura, ayaa sheegay in feejignaan sare ay galeen, kadib markii ay ka war heleen weerar Al-Shabaab qorshaynayso inay ku qaado Xarumo waxbarasho oo ku yaal wadada isku xidha magaalooyinka Kampala iyo Ginja.

Al-Shabaab ayaa weerartay khamiistii la soo dhaafay Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen dad ka baddan 147 ruux oo u badnaa ardaydii Jaamacadda, iyadoo tiro ka baddan 70 dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, isla markaana laga badbaadiyay 587 Arday.

Sidoo kale cabsida xaalada ammaanka ee Ugunda, waxay kusoo beegantay xili dhawaan safaarada dalka Mareykanka ee Ugunda ay soo saartay digniin ku waajahan weeraro argagixiso oo ka dhaca dalka Ugunda iyo sidoo kale haweenay dacwad ku oogaysay dad loo haysto Al-shabaab oo badhtamaha Kampala dablay hubaysan ku toogteen, kuwaas oo ka baxsaday goobta markii ay fuliyeen dilka, taas oo sababtay in dib loo dhigo dhegeysiga dacwadaa sababo dhinaca ammaanka ah.

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2010 weeraro qaraxyo ah ku qaaday magaalada Kampala, waxaana ku dhintay dad ka badan 70-ruux.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post