X

Sucuudiga Oo Ka Hadlay Go’aanka Baarlamaanka Pakistan Oo Weji Gabax Ku Noqday Duulaanka Xulufada Dagaalka Yemen

Riyadh(ANN)Dawlada Sucuudi Carabiya ayaa ka hadashay go’aanka Baarlamaanka Pakistan ku diiday inay qayb ka noqdaan duulaanka uu hoggaaminayo ee weerarka dhanka cirka ee ku waajahan Xuutiyiinta iyo Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.
Sucuudigu wuxuu sheegaya in go’aanka dalka Pakistan uu qaatay ee ah in aanay ku biirin is-bahaysiga milatari ee Sucuudiga hoggaaminaya aanu marnaba yarayn doonin awoodda hawlgalkaasi ka dhanka ah ee fallaagada Xuutiyiinta Yemen iyo xulufada Madaxweynihii hore ee dalkaa.

Saraakiisha Milatariga Sucuudigu, waxay sheegeen in ciidamada Pakistan ay taageero ka gaysan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta, balse diidmada Pakistan aanay waxba yeelayn weerarada duqaynta ah ee ay ka wadaan Yemen oo ay sheegeen inay horumar ka gaadheen duqeymaha ay ku hayaan fallaadaga dalka Yemen.

Hase yeeshee weriyaha BBC-da ee Riyaad ayaa sheegaya in duqeymahaasi lagu guuldareystay inay hakiyaan horumarka ay sameynayaan Xuutiyiinta, isla markaana go’aanka dalka Pakistan uu dharbaaxo ku yahay weerarada dhinaca cirka ee xulufada Sucuudiga.
Dalalka Turkiga iyo Pakastan, ayaa hore ugu baaqay in la joojiyo dagaalka dhinaca Cirka ah ee Yemen iyo weerarada Xuutiyiinta iyo xulufada Madaxweynihii hore ka wadaan halkaa, iyagoo doonaya inay qabsadaan gebi ahaanba dalka.
Dhinaca Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka oo dhinacyada isku haya Yemen ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan.
Dagaalka Yemen oo si cad u muuqda inay Iran iyo Xulufada Sucuuidgu kala taageerayaan labada dhinac, ayaa meel xun maraya, waxaana duqaymaha dhinaca cirku sababeen bur-bur iyo dhimasho balaadhan, iyadoo 640 qof in ka baddan ku dhinteen dagaalka tan markii 26 March 2015, xulufada Sucuuigu duqayn dhinaca Cirka ah ku bilawday Yemen, waxayna ICRC sheegtay in 22,000 qof ku dhaawacmeen duqaymaha oo ah kuwo aan loo aaba yeelin, waxayna ka digeen xaalada dalka oo meel xun maraysa, isla markaana aanu jirin gurmad Cunto, Biyo iyo Dawooyin ah oo gaadhay.
Iran ayaa Maraakiib kuwa dagaalka ah u dirtay Yemen, waxayna uga digtay Sucuudiga iyo Xulufadiisa inay sii wadaan duqaynta oo ay sheegeen inay sababtay Xasuuq ka daran kii Israel ku samaysay falastiiniyiinta, balse Sucuuidga iyo Xuluafadiisa, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaha Iran ee weerarka dhinaca Cirka Yemen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post