X

Sucuudiga Oo Dusha U Ritay 274 Mlyn Oo Qaramada Midoobay U Dalbatay Yemen Iyo Iran Oo Bortooyada Ku Tilmaantay Israel Yar

Riyad(ANN)Xukuumadda Sucuudiga oo hoggaaminaysa weerarada dhanka duqaynta cirka ah ee ku waajahan fallaagada xutiyiinta Yemen iyo Ciidamadii Cali Cabdalle Saalax, ayaa ku yaboobahay dhammaan lacagta ay jimcahii codsatay Qaramada Midoobay si loo gargaaro dadka tabaaleysan ee reer Yemen.

Sida ay faafisay Wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga, waxay Boqortooyada Sucuudigu sheegtay inay bixinayo lacag dhan 274 milyan oo doolar oo ahayd mid ay Qaramada midoobay dalbatay inay u baahantahay si wax looga qabto xaaladda bani’aadanimo ee haysata dadka reer Yemen ee dagaalada halkaasi ka socda ay saameeyeeyn.

Bqortooyada Sucuudigu, waxay sheegtay inay garab taagan yihiin walaalahood Yemen oo ay doonayaan sidii dalka Yemen loogu soo celin lahaa nidaamkii iyo kala danbayntii, isla markaana xasilooni looga abuuri lahaa.
Lacagta ay Boqortooyada Sucuudigu ku yaboohday keligeed oo ay Qaramada Midoobay dalbatay, waxay ku sheegtay caawimo deg deg ah oo loo baahanyahay, taas oo sida ay xustay Qaramada Midoobay doonayso in ay jawaab uga dhigayaan baahida deg deg ah ee dhinaca Dawooyinka iyo Gargaarka aadaminimo ee xiligan, balse waxa la rumaysanyahay in baahida gargaarka ee xaalada dalka Yemen aanay dhibic kaga dhacayn qadarka lacagta ee ay dalbadeen, iyadoo xaalada dhabta ah ee malaayiin dadka shacabka ah ee Yemen oo duqaynta xulufada Sucuudiga iyo dagaalka dhinacyada ku dagaalamaya gudaha dalka saamayn weyn ku yeesheen nolosha dadka Yemen oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan dunida.
Xulufada Sucuudiga, ayaa xidhay Badda, Cirka iyo gebi ahaanba dhulka xuduudaha Yemen, taas oo sababtay in xaaladu faraha ka baxdo, iyadoo aanay jirin meel ay dadka shacabka ah uga cararaan duqaynta dhinaca Cirka iyo dagaalka ka socda guddaha, gaar ahaan magaalada dhinaca Koonfurta Cadan ee dekeda oo nolosha dadku maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaanay, isla markaana aanay jirin cid warbixin dhab ah oo la xidhiidha xaalada ka keeni karta. Kadib go’doominta xulufada iyo duqaynta dhinaca Cirka ee Afar todobaad soconay oo sababtay dhimashada boqolaal qof iyo dagaal ka socda gudaha magaalada Cadan.

Dhanka kale, Xukuumadda Iran oo hore u canbaaraysay duqaynta dhinaca Cirka ee Xulufada Sucuudiga, ayaa sii wada canbaaraynta ku waajahan Sucuudiga oo ay sheegtay inuu xasuuq ka dhan ah aadamaha ku kacay, wuxuuna madaxweynaha dalka Iran Xasan Ruuxaani Telefishinka Qaranka u mariyay Ciidamada dalka ku canbaareeyay Sucuudiga duqaynta Yemen.
Madaxweynaha Iran, wuxuu ku hanjabay in dawlada Sucuudigu ay jawaab dhab ah oo la xidhiidha duqaynta dalka Yemen heli doonto.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Diineed ee Aayatulah Ali Khamenei, ayaa todobadkan bogga uu ku leeyahay Twitter-ka kaga hadlay arrinta Yemen, wuxuuna si kulul u canbaareeyay Boqortooyada Sucuudiga, isagoo ku tilmaamay inay tahay Israel yar.
Al Khamenei, wuxuu sheegay in duqaynta Sucuudigu sabatay xasuuq dadka shacabka aan waxba galabsan ee Yemen, wuxuuna maraykanka ku tilmaamay mid u jiibinaya xasuuqa Sucuudigu geysanayo ee shacbiga Yemen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post