X

“Raggii Waynu Ku Khasaarnay Badankooda Ee Doorkan Hablaha Doorta Oo Codka Siiya” Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay diiwaangelinta Togdheer, Caynaba, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, 27 December 2020, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

“Burco Magaaladii labaad ee Qaranka Boorama ayaa idinku haysatee Is Muujiya” Faysal Cali Waraabe

 

Burco (ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay dadweynaha gobollada bariga Somaliland inay qaataan kaadhadhka Diiwaangelinta.

Guddoomiye Faysal, oo ka hadlayay diiwaangelinta ka bilaabantay maanta gobolka Togdheer iyo degmooyinka, Caynabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, wuxuu sheegay in diiwaangelinta loo midaysan yahay axsaabta mucaaradka iyo xukuumadduba, isla markaana loo baahanyahay in laysku duubnaado, isagoo xusay khilaafyada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo mush kiladaha kale ee gobolka iyo aduunka.

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu usoo jeediyay dadweynaha in ay marka la gaadho doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo Baarlamaanka ee kusoo waajahan Somaliland ay ka fiirsadaan dadka ay dooranayaan.

“Waa innaynu dooranaa dad wanaagsan, hadaad aragtaan ka xaafadiina ka socda inuu ka xaafada kale ka socdaa ka wanaagsanyahay kaa doorta oo codka siiya, waxaynu u baahanahay dad Allah garanaya, weliba doorkan raggii waynu ku khasaaray badankooda ee hablaha doorta oo codka siiya doorkan, si loo helo Baarlamaan iyo golle deegaan oo loo dhanyahay.” Ayuu yidhi, Eng. Faysal oo bulshada farriin u dirayay.

Dhinaca kale, Eng. Faysal, ayaa shacbiga Magaalada Burco ugu baaqay in ay muujiyaan codkooda, maadaama ay yihiin caasiamadii labaad ee dalka, isagoo sheegay in haddii kale Boorama oo tartan kula jirtaa ka qaadayso caasimada labaad ee jamhuuriyadda Somaliland.

“Burco Magaaladii labaad ee Qaranka ayaa laydinku haystaa oo Boorame ayaa idinku haysatee is muujiya Bircoy” ayuu yidhi, Eng Faysal oo la hadlayay dadweynaha Burco.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post