X

North Korea Oo Murrashaxa Cunsuriga Ah Ee Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ku Sifeeyey inuu Yahay Nin Caqli Badan

Araweelo News Network

Kim Jong Un and Donald Trump

Pyongyang(ANN) Dawladda Waqooyiga Kuuriya oo faafisay borobagaando ay ku taageerayso murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka Mr. Donald Trump, iyagoo sheegay inuu yahay ninka ugu wanaagsan ee hanan kara xilka madaxtinimo, isla markaana meesha ka saari kara cabsida dadka Maraykanka ka qabaan Nukliyeerka ay Waqooyiga Kuuriya samaysatay.
Bog Internet-ka ah oo ay aad wax ugu qoraan, uguna faafiyaan madaxda dawladda Waqooyiga Kuuriya, isla markaana Madaxdoodu adeegsadaan ayaa Donald Trump ku sheegay inuu yahay siyaasi caqli badan oo ku habboon in shacabka Maraykanku codkooda siiyaan si uu ugu guulaysto doorashada dalkaas ka qabsoomi doonta 8 November 2016.
Sidoo kale, waxa ay ku tilmaameen haweenayda la yidhaah Hillary Clinton ee ka dhex tartamaysa xisbiga Dimuqraadiga inay tahay qof fikir gaaban, iyagoo ku dhaleeceeyey aragtideeda ku aadan in la cunaqabateeyo dalalka nukliyeerka haysta ee Kuuriya ka mid tahay.
Siyaasiga cunsuriga ah ee Trump, ayaa sheegay inuu diyaarin doono wadahadal uu la yeesho hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un si uu uga dhaadhiciyo inuu joojiyo barnaamijkiisa nukliyeerka, taasna uu kala kaashan doono Shiinaha oo xalinaya mashaakilaadka u dhexeeya dalalka Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post