X

Nigeria: Booko Xaaraam Oo Qarax Khasaare Baddan Dhaliyay Ka Fulisay Dugsi Waxbarasho

Yobe(ANN)Kooxda Islaamiyiinta Booko Xaaraam eek a dagaalanta Dalka Nigeria, ayaa qarxiyay Dugsi sare oo ka mid ah goobaha Waxbarashada Dalkaa, kaas oo ku yaal Gobolka dhinaca waqooyi bari Nigeria ee Yobe.

Tirada khasaaraha dhimashada ayaa lagu sheegay ugu yaraan 47, (Afartan iyo toddoba qof), iyadoo tiro kale oo ku dhow intaasi dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ah Ardayda wax ka barata Dugsigaa. Qaraxa ayaa dhacay xili ay Ardaydu ay safka gelayeen, waxaana qaraxu ka dhacay goobta Ardaydu safka ka gelayeen, taas oo sababtay in khasaaruhu bato, isla markaana jaah wareer ku dhaco Ardayda.

Goob Cusbital u dhow Dugsiga Qaraxu ka dhacay, ayaa loo daad gureeyay dhimashada iyo dhaawaca. Dawlada Nigeria oo dagaal kula jirta Kooxda Booko Xaaraam ayaan weli wax war ha kasoo saarin weerarkaa.
Maaha markii u horaysay ee Kooxda Booko Xaaraam weerar sidan oo kale ah ka filisay goobaha Waxbarashada Dalka Nigeria, iyadoo Booko Xaaraam si weyn uga soo horjeedo waxbarashada aan diiniga ahayn ee ku salaysan Manhajka reer galbeedka, iyadoo doonay in Manhajka loo bedelo mid Islaami ah.
Qarax Toddobaadkii hore ka dhay dalka Nigeria, ayaa sababay ugu yaraan shan qof iyo tiro intaa ka baddan oo dhaawac ah. Kadib markii qof isku qarxiyay Shiicada dalkaa oo xusaya dhimashadii Imam Xuseen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post