X

Madaxweyne Siilaanyo Oo Galalafay Garsoorka Ugu Sareeya Dalka Magcaabis Iyo Xil Ka Qaadis

 

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo ayaa seefta la galay garsoorka ugu sareeya dalka, wuxuuna xilalkii ay hayeen ka qaaday sadex garsoore oo ka tirsan garsoorayaasha maxkmadda sare, isla markaana wuxuu magcaabay 8 garsoore oo cusub.

sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed  saaka barqadii kasoo baxay qasriga \madaxtooyada oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3438/072015 xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Garsooreyaasha maxkamada sare.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Arkay:                     Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo;

Markuu Isku Qanciyey:     In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo;

Wuxuu Go’aansaday

  1. In Mudane, Axmed Diiriye Qaalib, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Maxamed Faarax Siciid, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. In Mudane, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  5. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Adan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  6. In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Hayan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  7. In Mudane, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  8. In Mudane, Yaxye Cali Idiriis, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Xilka qaadis

 

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda;

Markuu Yaqiinsaday:        In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Wuxuu Go’aansaday laga bilaabo taariikhda maanta

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil.

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Axmed Xasan Dirir.

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

   Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post