Araweelo News Network

BrusselsuspectedHargeysa(ANN)Weeraro qaraxyo xidhiidh ah oo maanta lala beegsaday Madaarka ugu weyn Caasimada Midawga Yurub ee Brussels, isla markaana ah xarunta dalka Biljamka iyo goob laga raaco tareenada isaga goosha qaarada Yurub, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarada ayaa dhacay Afar maamlmod kaddib markii Booliska Biljamka oo kaashanaya kuwa Faransiiska ay Brussels ka qabteen Salah Abdeslam oo hormood ka ahaa weeraradii ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska bishii November ee sannadkii 2015. iyadoo dhawrkii bilood ee u danbeeyay la daba socday oo lala xidhiidhiyay weeraradaa oo ahaa qaraxyo lagu hoobtay oo dhamaadkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Khasaaraha weerarada Brussels ka dhacay maanta oo ahaa kuwo dhiig baddan ku daatay, ayaan si dhab ah loo ogayn tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, iyadoo marba marka ka danbaysa sii kordhaysa.

Hase yeeshee wararka hordhaca ah ee kasoo baxay Dacwad soo oogaha guud ee wadanka Biljamka ayaa sheegay in 35 qof ay ku dhinteen qaraxyadii ruxay magaalada Brussels ee caasimadda wadankaasi.
brusselsuspected2
wuxuuna xusay in Khasaaraha ugu baddan uu ka dhashay qaraxa ka dhacay goob maxado laga raaco Tareenada dhulka hoostiisa mara, halkaasi oo uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen 20 qof 105 kalane ay ku dhaawacmeen, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawacu sii kordhayso, isla markaana dadka weerarkaas ku dhaawacmay ay ku jiraan ilaa 8 qof oo u dhashay dalka Maraykanka, qaarkoodna ka tirsan yihiin kiniisad ku taal dalkaas, halka sidoo kale uu ku jiro ciyaartoy asal ahaan ka soo jeeda dalka Baraasiil, balse waddanka Belguim-ka u ciyaara kubbadda Kolayga oo magaciisu yahay Sebastien Bellin.

Qaraxyada oo aan si dhab ah weli loo xaqiijin, balse baadhitaanka hordhaca ah ee Boolisku shaaciyeen oo laga helay Camaradaha CCTV, waxa lagu sheegay inuu mid ahaa qof naftiis hure ah, halka qaraxa kale ahaa bambo.

Raysalwasaaraha dalka Biljamka Mr. Charles Michel, ayaa ku tilmaamay weerarkaa mid ka dhigaya dalkiisa maalin madaw, wuxuuna sheegay in heegan sare la geliyay ciidamada dalka iyo muddo sadex maalmood oo murugo ah iyo baroordiiq ah.
Hoggaamiyayaasha Dalalka Britain, Faranca, Germeny iyo madaxda kale ee dalalka Midawga Yurub ayaa si weyn u canbaareeyay weerarada, waxayna ku tilmaameen kuwo waxashnimo ah, iyadoo cabsida ay weeraradu abuureen sababtay in la jiijiyo duulimaadyada diyaaradaha dalka Biljamka ee Brussels iyo dhamaan tareenada isaga gudba qaarada Yurub.

sidoo kale dalalka Yurub ayaa galay xaalad heeggan la geliyay ciidamada amaanka, iyadoo dalalka qaar la hakiyay duulimaadyada dhinaca hawadda iyo Tareenada sababo la xidhiidha dhinaca amaanka iyo cabsi laga qabo inay dhacaan weeraro kale.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegay in la joojiyay dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha caalamiga iyo kuwa maxalliga Faransiiska sababa la xidhiidha cabsi laga qabo weeraro kale dhacaan.

Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in tareenada dhulka hoostiisa mara ee Mitroowga loo yaqaan ay shaqada joojiyeen waxaana goobaha laga raaco ee maxadooyinka la geeyay ciidamo dheeri ah.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa lafilayaa in uu ka hadlo Telefeshinka qaranka isagoo ku dhawaaqi doono xaalad heegan ah,
sidoo kale raysal wasaaraha Britain Devid Camaroon ayaa kulan deg deg ah la yeeshay xukuumaddiisa, wuxuuna sheegay inay garab istaagayaan dalka Biljamka oo ay ka xun yihiin weerarada ka dhacay.

Dhinaca kel war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda sheegata dowladda Islaamiga ah ee ISIS, waxay ku sheegatay mas’uuliyadda weeraradii Brussels oo ay sheegeen inay fuliyeen ciidamo ka tirsan dowladda Islaamiga ah .
sida lagu sheegay qoraal Bayaan ah oo kasoo baxay kooxda Islaamiga IS, Amaq agency, “koox dagaalyahannadayada ah oo ku hubaysan suuman qarxa, qoryaha darar-dooriga u dhaca iyo walxo kuwa qaraxyada loo adeegsado ah, ayaa qaaday hawlgal si weyn looga fiirsaday oo ka dhacay madaarka diyaaradaha caasimadda Belguim-ka iyo goob laga raaco tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada Brussels, waxayna halkaas ku dileen dad badan oo gaalo ah, kadibna waxay qarxiyeen suumankii ay xidhnaayeen, waxaanna guud ahaan hawlgalkaas lagu dilay dad ka badan 40 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 210 qof oo kale, kuwaasoo ka mid ah muwaadiniinta dalalka duulaanka ku haya islaamka, waxaanan Ilaahay uga baryeynaa mujaahidiinta hawlgalkaas fuliyey ku abaalmariyo jihaadka ay sameeyeen.
Waxa aannu ballanqaadaynaa in dalalka isku bahaystay dagaalka ka dhanka ah dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq inay la kulmi doonaan maalmo kale oo qadhaadh iyo mugdi u horseeda noloshooda, waxaanan idin leenahay, waxa kale ee idinku soo socda ayaa ka khatar badan weerarka hadda idinku dhacay.” ayaa lagu yidhi baaqa IS.

Kooxda IS ee sheegata dawlada Islaamiga ah oo ka taliya meelo baddan oo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa weeraro sidan oo kale ah hore uga fuliyay gudaha dalalka Yurub, waxayna weeraradii ugu khasaaraha badnaa ka dhaceen xarunta dalka Faransiiska ee Paris sanadkii hore.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347