X

ISIS Oo Sheegtay Masuuliyadda Qarax Gilgilay Caasimadda Afghanistan

Araweelo News Network
Dad ka Badan 80 Qof oo ku Geeriyooday Qaraxaa

Kabul(ANN) Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 230 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen laba qarax lala beegsaday dadweyne ka soo jeeda qoomiyadaha laga tirada badan yahay ee dalka Afghanistan, kuwaasoo mudaharaad ka dhigayey caasimadda dalkaas ee Kabul shalay.
Ururka isku magacaabay Dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS/Daacish), ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada khasaaraha badan dhaliyey ee lala eegtay mudaharaadayaasha qoomiyadda la yidhaa Hazara, iyadoo qaraxyadu ka dhaceen meel u dhaw dhulka sida aadka ah loo ilaaliyo ee caasimadda dalka Afghanistan.
“Laba dagaalyahan oo ka tirsan xoogagga Dawladda Islaamiga ah (ISIS) ayaa isku qarxiyey bannaanbax ay dhigayeen dad Shiico ah, caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan.” Sidaa waxa lagu yidhi war lagu baahiyey wakaaladda wararka Amaq oo xidhiidh la leh Daacish.
Muuqaallo naxdin leh oo qaar ka mid ah telefishannadu baahiyeen, ayaa lagu arkay maydad wadhan goobta qaraxyadu ka dhaceen, halka sidoo kale la arkay jidh googo’ay, lugo, gacmo iyo xubno kale oo daadsan dhulka, iyadoo dhiig badana qulqulay meesha mudahaaraadku ka socday.
Madaxweynaha Afghanistan Mr. Ashraf Ghani, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad uga murugooday dhimashada iyo dhaawaca badan ee ka dhashay qaraxyada ka dhacay caasimadda Kabul, isagoo si xoogan u cambaareeyey qaraxyadaas oo uu ku tilmaamay inay fuliyaan dad aan naxayn oo aanay bani’aadanimadu waxba agtooda ka ahayn.
Dadka mudaharaadayey ee ka soo jeeda qoomiyadda Hazara, ayaa ka cabanayey adeegada korontada, kuwaasoo doonayey inay isu soo baxa ku muujiyaan sida ay u doonayaan in degaankooda Gobolka Bamiyan ee dalka Afghanistan loo helo adeeg jaban oo koronto ah, balse, waxa halkaas kaga dhintay in ka badan 80 qof, iyadoo weerarka qaraxyada ahna si xoogan looga cambaareeyey meelo badan oo caalamka.
Qoomiyadda Hazara oo ah Shiico laga tiro badan yahay, waxa ay 30% ka yihiin bulshada ku dhaqan dalka Afghanistan oo lagu qiyaasay 30 milyan oo qof, waxayna beeshani asal ahaan ka soo jeedaan boqortooyadii la odhan jiray Maangooliyaan (Mongol Empire), taasoo uu aasaasay hoggaamiyihii magaciisu ahaa Chinggis Khaan (Genghis Khan) qarnigii 13aad, boqortooyadaas oo dad badan oo muslimiin ah ku xasuuqday dhulka ay hadda ka taliyaan dalalka Afghanistan, Pakistan iyo dalal badan oo ku yaal Koonfurta Qaaradda Aasiya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post