X

Hoggaamiyihii Daliban Ee Mullah Omar Oo La Sheegay Inuu Geeriyooday Saddex Sanadood Ka Hor Iyo Afhayeen Ururka Ka Tirsan Oo Ka Hadlay

Afghanistan(ANN)Afhayeen u hadlay kooxda dagaalyahanka Daliban, ayaa u sheegay Idaacada BBC-da in Ururka Daliban warmurtiyeed ka soo saarayaan arrinta la xidhiidha inuu dhintay Hoggaamiyihii Ururkooda Mullah Maxamed Cumar, kaddib markii Xukuumadda Afghanistan sheegtay in hoggamiayaha kooxda Mullah Maxamad cumar geeriyoday.

Mullah Cumar oo ahaa Hoggaamiye aan wax war ah laga hayn noloshiisa, isla markaana aan wax sawir ah laga hayn, waxay dawlada Mareykanku madaxiisa dul dhigay $10 milyan oo dollar, taas oo loo ballanqaaday in la siinayo ciddii ka caawisa in la qabto ama la dilo.
Hase yeeshee Mullah Omar oo ahaa Hoogamiyaha Ururka Daliban, wuxuu noqday Hoggaamiye lagu waayay in lacagta xadigaas leeg iyo juhdi baddan oo ay geliyeen wadamada reer galbeedku ku guuldaraystaan inay wax macluumaad ah ka helaan dhawr iyo toban sanadood oo lagu jiray baadi-doonkiisa, wuxuuna noqday hoggaamiye aan la arki Karin, isla markaana la waayay xataa sawiradiisa, balse dawladda Afghnistan ayaa sheegeysa xilligan inuu geeriyooday “labo ilaa seddex sano” ka hor.
Geerida Mullah waxa hore usoo baxayay warar sheegaya inay jirto, balse waa markii u horaysay ee Dawladda Afghanistan sheegtay dhimashada Mullah Cumar, balse ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya jiritaaanka geerida hoggaamiyahaa.

Mullah Omar, wuxuu hoogaminayay Ururka Daliban ilaa xilligii dagaalkii sokeeye ee dalkaasi, waxayna hoggaamintiisu sababtay in Dalibanku ka guuleystaan kooxihii kala duwanaa ee awoodda ku loollamaysay.

Hase yeeshee Nidaamkii dawliga ahaa ee Mullah Omar wuxuu markii dambe isbahaysi la galay hoggamiyihii Al-Qaciddah ee Osama Bin Laden, waxayna bur-buriyeen Asnaam Taariikhi ahaa, taas oo sababtay in indhaha dunida ay kusoo jeediyaan dalalka reer galbeedku. Kaddib markii ay ku gacan saydheen dhawaaqyadii la doonayay inay daayaan waxyaabaha taariikhiga ah, balse sanadkii 2011, kaddiib weerarki 9/11 ee New York iyo Washington, waxay Maraykanku ku eedeeyeen Hoggaamiyihii Al-Qaida Osama, waxayna dawlada Maraykanku ka dalbatay Daliban inay soo dhiiban Osama, iyadoo Ururka Daliban iyo Hoggaamiyohooda Mullah Omar ku gacan saydheen, taas oo sababtay in Maraykanku weeraro ku asqaysiiyo dalka Afganistan oo ay ka talinayeen Ururka Daliban.
Dagaalka xiliggaa lagu qaaday Afgahnistan ayaa noqday mid dunida ku yeeshay saamayn weyn, isla markaana weli kusii fidaya dacalada dunida. Kaddib Urur weynihii Al-Qadia ee uu Hoggaaminay Osama oo ku firdhay dacalada dunida, isagoo jihaad doon ah, isla markaana dulaanka xilligaa lagu qaaday dalka Afghanistan, ayaa noqday mid aan wax guul ah laga gaadhin oo weli uu dalkaa ka jiro dagaalkii uu sababay duulaanku 11 sanadood ka hor, iyadoo Hoggaamiyaha Daliban Mullah Cumar ee waqtigan wararka sheegaya inuu geeriyooday soo baxayaan ku jiray dhumaaleysi iyo guluf weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo lagu qaadayay Ciidamada shisheeye ee gudaha u galay Afgahnistan, isla markaana ay shaqayn weyday xukuumad ay dalalka reer galbeedka ee Maraykanku hormoodka u yahay ka dhiseen halkaa, mana muuqato xiligan in haddii ay rumawdo geerida Mullah Omar inay tahay mid wax ka bedelaysa xaalada ka jirta Afganistan.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post