X

Heshiiska Quwadaha Aduunka Iyo Iran Oo Cabsi Geliyay Wadamada Sucuudiga Iyo Israel

Vienna(ANN)Heshiis dhexmaray Lixda dal ee ugu awooda baddan dunida oo ay hormoodka u yihiin Britain, USA iyo Rashia, ayaa markii u horaysay laga gaadhay guul. Kaddib markii heshiiskaa oo ka kooban 100 bog lala saxeexday dawlada Iran.
Wadahadalo mudo sanado ah soo taxnaa oo u dhexeeyay Iran iyo Lixda dal ee ugu awooda baddan dunida, ayaa ugu danbayntii laga gaadhay heshiis taarikhi ah oo la xidhiidha barmaanijka Nukleerka Iran, kaas oo maanta lagu saxeexay Vienna.

Madaxa siyaasadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in heshiiska loo arkay inuu yahay mid diblomaasiyadda wax ka qaban karta xiisado tobanaan sano taagnaa.]kadib markii kulankii ugu dambeeyay ee wasiirada arrimaha dibadda Iran iyo 6-da dal ee quwadaha adduunka ee Vienna, ku gaadheen heshiiskaa.
Dhinacyada Iran iyo dalalka heshiiska saxeexday, ayaa mid walba dhinaciisa u sheegtay inuu guul u yahay heshiisku, kuwaas oo dhamaantood u sacaba tumay qodobada heshiiska ay gaadheen, balse dalalka Sucuudiga iyo Isareal ayaa ka muujiyay heshiiskaa dareen siyaasadeed iyo cabsi dublamaasiyadeed, waxayna ku tilmaameen mid Iran u ah guul, isla markaana xaalada amaanka gobolka oo Iran ku ahayd khatar sii xoojinaya.
Iran ayaa u muuqata in ay ogolaatay in baadhayaasha Qaramada Midoobay ay xaqiijiyaan, meelmarinta hakinta howlaha Nukleerka ee dalkeeda, taas oo ay ku bedelatay in cunaqabataynta mudada dheer saarnayd laga qaado, isla markaana ay wax soo saarkeeda suuqyada caalanka u iib geyso.

Madaxweynaha Iran Hassan Rohani ayaa sheegay in guul weynuu yahay dalkiisa heshiiska, halka Madaxweynaha Ruushka Butin ku tilmaamay mid u fasaxaya Iran inay wax disho oo hadda loo saxeexay Liisanka wax dilista.

Heshiiska ay wada gaadheen Iran iyo Lixda dal ee quwadaha aduunku ayaa kusoo beegmay xili xaalada siyaasadeed iyo colaad xumi ka aloosantahay mandaqada, iyadoo quwadaha dunida iyo Iran ku kala aragti duwan yihiin arrimahaa.
Sidoo kale Sucuudiga iyo Israel ayaa ku kala aragti duwan arrimaha ka socda mandaqada, tusaale ahaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya waxay Iran iyo wadamada heshiiska saxeexay marka laga reebo Ruushka dagaal kula jiraan kooxda la baxday dawlada Islaamiga ee ISIS, balse dalalka Sucuudigu hormoodka u yahay ayaa kasoo horjeeda arrintaa, waxayna u arkaan in shiicada oo isku balaadhinay mandaqada taageero la siiyay si loo xasuuqo suniyiinta.
Sidoo kale Dagaalka Yemen oo Sucuudigu hormood u yahay duqaynta dhinaca cirka ee Shiicada Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdale Saalax oo lala xidhiidhinyo inay Iran gacan siinay, waxay arrinta heshiiskan u muujinay weji kale oo siyaasadeed, taas oo sababtay in heshiiska Iran iyo wadamada quwadaha aduunku noqdo mid Sucuudiga dareen cabsi ah geliya, kaas oo la filayo inuu wax ka bedelo xaalada siyaasadeed ee mandaqada iyo xiisada waqtigan dalka Yemen.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post