X

Guusha Doorashada Israil Ee Raysal Wasaare Netanyahu Oo Aan Laga Soo Dhowaynayn Aqalka Cad Ee Maraykanka

Tel aviv (ANN)Xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Raysal Wasaaraha Israil Benjamin Netanyahu ayaa guul ka gaadhay doorashadii Baarlamaaniga ee dalkaa oo ahayd mid si adag loogu loolamay.

Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa helay codadka boqokiiba 24 (24%)doorashada baarlamaanka, halka xisbiga bidixda dhexe ee mucaaradka uu helay boqokiiba 19. Hoggaamiyaha mucaaradka ee tartanka adag la galay Netanyahu, ayaa ku hanbalyeeyay, balse waxaa uu sheegay in arrintan natiijada doorashu ay astaan u tahay halkay ku socota siyaasadda Israil iyo rabitaanka shacbiga Yuhuuda.
Raysal Wasaare Netanyahu oo markii Afraad kusoo laabtay xukunka, ayaa la filayaa inuu soo dhiso dawlad wadaag ah, wuxuuna xilligii Ololaha doorashada aad uga hadlayay inuu wax baddan ka qabanayo arrimaha amniga ee Israil.

Hase yeeshee Maalmo ka hor doorashada, wuxuu si cad ugu doodayay Mr. Netanyahu in aanu aqbalayn weligii dawlad madax banaan oo ay Falastiin yeelato, waxaana loo arkaa in dhawaqyada noocaas ah iyo caqabada uu ku yahay amaanka iyo xasiloonida nabad waarta oo laga gaadho bariga dhexe uu ku yahay caqabad, balse taa bedelkeeda uu taageero kaga helay dadka Yuhuuda si uu xukunka ugu soo laabto markii Afraad.
Dhinaca kale waxa Mr. Netanyahu ka hor maalmo mudadii uu ku jiray ololaha doorashada booqday dalka Maraykanka, taas oo loo arkayay inuu taageero uga doonayay ololihiisa Aqalka Cad, balse waqtigan Weriyaha BBC-da ee Jerusalam ayaa sheegay in Aqalka Cad aan laga soo soo dhaweyn doonin arrinta guusha Netanyahu, taas oo uu ku sifeeyay in loo arko inuu yahay Nin ka caga jiiday arrinta Nabadda Bariga dhexe, isla markaana caqabad ku noqday sidii xal waara looga gaadhi lahaa bariga dhexe, taas oo hadda guusha Netanyahu ay muujinay inay arrimuhu sii murgayaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post