X

Donald Trump iyo Sanders Oo Ku Guulaystay Doorashadii New Hampshire Iyo Hillary Clinton Oo Hanbalyaysay

Araweelo News Network

New Hampshire(ANN)Doorashada Musharixiinta Labada Xisbi ee Maraykanka ee ku loolamaya tartanka, ayaa guulo kala suntaday. Musharixiinta kala ah Donald Trump iyo Bernie Sanders ayaa ku kala guuleystay tartanka is reeb-reebka xisbiyada gudahooda ee gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.
Donald Trump oo ku soo baxay xisbiga Jamhuuriga ayaa helay laba jibbaar codadka uu helkay barasaabka gobolka Ohio John Kasich oo la tartamayay, halka Hillary Clinton oo u tartameysay xisbiga dimuquraadiga ay durbaba u hambalyeysay ninka uu loolanka kala dhexeeyay ee Bernie Sanders oo iyada ka guuleystay.
Mr Sanders ayaa sheegay in natiijadani ay direyso farriin ah in qof kastaa oo Mareykan ah uu leeyahay dowladda.
Donald Trump natiijadaasi kaddib, wuxuu sheegay taageerayaashiisa in uu doonayo in Mareykanka uu durbaba billaabo in uu hanto caalamka.
Ninka ku guuleystay tartanka xisbiga dimuquraadiga Bernie Sanders ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo taageerayaashiisuba ay dirayaan farriin ah in dowladda ay wada leeyihiin dhammaan dadka mareykanka ah, balse aanay ahayn mid ay leeyihiin shakhsiyaad maal qabeen ah oo lacago ugu yaboohay ololaha doorashada.
Hillary Clinton oo uu loolan kala dhaxeeyay Sanders ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto loolanka ay ugu jirto dhammaan codadka gobol kastaa.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post