X

Dawladda Kanada Oo Joojisay Xeer Lagu Mamnuucayey Xidhashada Niqaamka

Ottawa(ANN)Xukuumadda cusub ee dalka Kanada (Canada) ee waqooyiga Qaaradda Ameerika, ayaa dib uga joogsatay racfaan ay Maxkamadda Sare kaga go’aaminaysay in la mamnuuco gebi ahaan xidhashada niqaamka oo ay isku asturaan haweenka islaamka ah, kaasoo dhawaan golaha sharci-dejinta ee dalkaas sameeyeen.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Kanada Mr. Jody Wilson-Raybould, ayaa sheegay inuu Maxkamadda Sare u sheegay in dawladiisu dib uga noqotay olole ay ku jirtay oo ahaa ansixinta iyo hirgelinta xeer niqaamka lagu mamnuucayo, sidaas darteedna hadda la ogolaanayo xidhashada niqaamka.

“Kanada waxa ku nool dad kala gedisan, waana awoodda ay ku fadhido, maanta waxa aannu caddaynaynaa in muwaaddiniinta guulaystay ee murrashaxiinta doorashada dalkaas ay qoysaska Kanada mideeyeen, waxa aannu ku midaysanahay kala duwanaanshaha.” Ayaa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Socdaalka ee dalka Kanada.

Xisbiga talada dalka Kanada ku guulaystay ayaa ay taageereen dadka muslimiinta ah, kadib markii uu ballanqaaday inuu u ogolanayo xaqa ay u leeyihiin xidhashada xijaabka ee ay jidhkooda ilaa indhaha ku qariyaan haweenka muslimka ah.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post