X

Dalalka Khaliijka Oo Dhirbaaxo Kulul Kala Kulmay Xuutiyiinta Iyo Xulufada Madaxweynihii Hore Ee Yemen

Sanca(ANN) Dalalka Khaliijka ee hoggaaminaya dagaalka lagu hayo Xuutiyiinta dalka Yemen iyo xulufada Madaxweynihii hore Cali Cabdala Saalax, ayaa dhirbaaxo kala kulmay weerar gantaal ah oo lala beegsaday xero ciidamo u dhashay Sacuudiga iyo Imaraadku ku lahaayeen dalka Yemen.

Dawlada Sucuudiga, ayaa sheegay in ilaa 10 ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar shalay ka dhacay dalka Yemen. Sidoo kale 45 ka mid ah ciidamada dalka Imaraadka EAU, ayaa ku dhintay weerarkaa. Sida lagu baahiyay wakaaladaha wararka.
Warar kale ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 ka mid ah Askarta Baxrayn ku dhinteen weerarkaa oo noqonaya khasaarihii ugu xumaa ee soo gaadha ciidamadooda dagaalka kula jira Xuutiyiinta iyo askarta Madaxweynihii hore ee Yemen.

Diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga, ayaa jawaab deg deg ah oo aargudasho ah ka bixiyay weerarkaa, waxayna beegsadeen goobo ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta iyo xulufadoodu gudaha magaalada Sanca, iyagoo duqaymo aan loo aabo yeelin la beegsaday goobo xataa ay ku jiraan xaafado dad shacab ah degan yihiin.

Waxayna wararka qaar sheegayaan in weerarada duqaynta ah ay ku dhinteen ugu yaraan dad shacab ah oo daraasiin ah, kuwaas oo ku sugnaa goobaha magaalada Sanca ee ay beegsadeen diyaaradaha xulufadu. Dadka ku dhintay weerarada waxa ku jira sida ay sheegayaan wararku Haween iyo caruur.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post