X

Daacish oo Weerartay Diyaarad Ra’iisal-wasaaraha Ciraaq la Socday

Araweelo News Network

Ra’iisal-wasaaraha dalka Ciraaq Mr. Xaydar Al-abadi

Iraq(ANN)Dagaalyahanno ka tirsan ISIS/Daacish, ayaa weerar ku qaaday diyaarad uu la socday Ra’iisal-wasaaraha dalka Ciraaq Mr. Xaydar Al-abadi oo booqday magaalada Ramadi, kadib markii ciidammada dawladdiisu maalmo ka hor ka qabsadeen kooxdaas oo muddo dheer gacanta ku hayey.
Telefishanka Al-jazeera ayaa baahiyey war ku saabsan in kooxda ISIS rasaas xooggan ku fureen diyaarad helikobtar ah oo uu saarnaa Ra’iisal-wasaare Xeydar Al-abadi meel ku dhow magaalada Ramadi oo uu tegay maalintii Salaasada.
Mr. Abadi oo warbaahinta kula hadlay Ramadi, ayaa soo dhoweeyey qabashada ciidammadiisa ee magaaladaas istaraatajiga ah, isagoo ku hanjabay inuu socon doono dagaalka kooxda ISIS lagaga saarayo guud ahaan dalka Ciraaq.
Magaalada Ramadi waxa maalmo ka hor ka dhacay dagaallo culus oo ay ka qaybqaateen diyaarado dagaal oo dhexmaray millatariga dawladda Ciraaq oo taageero ka helayey dawlado shisheeye iyo dagaalyahannada ISIS/Daacish oo markii dambe laga saaray magaaladaas oo ay labadii sannadood ee u dambeeyey ka talinayeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post