X

Daacish Oo Sucuudiga Iyo Israel Farriimo Hanjabaad ah Hawada u Mariyey

Araweelo News Network

Abu Bakar Al-Baqdaadi


Iraq(ANN)Hoggaamiyaha ururka la baxay dalwadda Islaamka (ISIS) ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa farriimo hanjabaad ah u diray dalalka Sucuudiga iyo Israa’iil.

Hoggaamiyaha ISIS Abu Bakar al-Baqdaadi oo soo diray cajalad muuqaal ah, waxa uu ku baaqay kacdoon ka dhan ah Boqortooyada ka talisa dalka Sucuudiga, isla markaana waxa uu ballanqaaday inay kooxdiisu fulin doonto dagaal ka dhan ah dawladda Yuhuudda ee Israa’iil. Sida uu baahiyey wargeyska Jamhuuriya ka soo baxa Hargeysa oo soo xiganayay Wargeyska Dailymail oo kasoo baxa Ingiriiska,
“Maanu iloobin Falastiin mar keliya, si degdeg ah rabitaanka Alle waxaad maqli doontaan tallaabooyinka ay qaadaan mujaahidiintu….waanu idinku soo dhawaanaynaa maalinba maalinta ka dambaysa,” ayuu yidhi Al-baqdaadi oo u hanjabayey Israa’iil.
Hoggaamiyaha Daacish oo si joogto ah ugu weerara Boqortooyada Sucuudiga xidhiidhka ka dhexeeya dalalka reer Galbeedka, waxa uu farriintiisan cusub ku dhiirrigeliyey muwaadiniinta Sacuudi Carabiya inay fadhiga ka kacaan oo iska ridaan dawladdooda ciqaabaysa dadkooda ku sugan Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.
Waxa kaloo uu jawaab ka bixiyey isbahaysiga 34 dal Islaam ah oo Sucuudigu u sameeyey dagaalka ka dhanka ah argagixisadda, kuwaas oo ku tilmaamay in aanay ahayn Muslim dhab ah, waxaannu yidhi, “Dhawaan waxay ku dhawaaqeen isbahaysi si been ah ay ugu yeedheen Islaam, iyagoo ku dhawaaqay ujeeddadiisa inay kula dagaalamaan dawladda Islaamka (ISIS)… hadday isbahaysigani yihiin islaam waxay ku dhawaaqi lahayeen guul, waxaanay caawin lahaayeen dadka Suuriya.”
Farriintan cusub ee uu soo diray hoggaamiyaha Daacish ayaa ah tii u horreysay ee uu sameeyo muddo toddoba bilood ah, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey kooxda ay soo waajaheen dhibaatooyin ka soo gaadhay Ciraaq iyo Suuriya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post