X

Daacish oo Jabsaday Kombuyuutarrada Lagu Kaydiyo Macluumaadka Millatariga Maraykanka iyo Australia

London (ANN)Ururka Dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq oo la yidhaa ISIL ama Daacish, ayaa jabsaday macluumaadka waaxda shaqaalaha ee ciidanka difaaca dalka Australia, kuwaasoo helay xogo badan oo faahfaahin ka bixinaya tafaasiisha saraakiil ciidan iyo hawlwadeenno badan oo waddankaas u dhashay.
Warbixin ISIL soo saareen shalay, ayaa lagu sheegay inay hayaan ciwaannada laga heli karo dad tiradoodu gaadhayso ilaa 1400 qof oo u badan saraakiil millatari iyo hawlwadeennada kala duwan ee ciidanka, waxaanay shaaciyeen lambarrada sirta ah (passwords) ee kombuyuutarrada dadkaasi isticmaalaan iyo ciwaannada e-mail-ladooda internet-ka, iyagoo ku hanjabay inay qudha ka jari doonaan dhammaanba saraakiisha ciidammada iyo muwaaddiniinta reer Australia ee ay xogahooda heleen.
Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Fairfax oo Jamhuuriya soo xigtay, qaar badan oo ka mid ah dadka xogahooda la soo bandhigay, ayaa dareemay cabsi dheeraad ah, iyagoo ka walaacsan in dagaalyahannada ISIL waxyeello u geystaan naftooda iyo qoysaskoodaba.
Dhinaca kale, dagaalyahannada ISIL ayaa hore u soo bandhigay macluumaadka saraakiil badan oo ka tirsan ciidanka cirka ee Maraykanka iyo sidoo kale waaxda arrimaha dibadda ee dalkaas, waxayna tilmaameen in ISIL awoodaan inay markasta haddii Ilaahay yidhaa dili karaan dadka ay hayaan ciwaannada iyo macluumaadka goobaha laga heli karo, kadib markii ay jabsadeen xarumaha lagu kaydiyo xogaha ciidanka iyo diblomaasiyiinta Ameerikaanka.
“Waxa aannu haynaa magacyadiinna iyo ciwaannada (addresses) la idinka heli karo, waxaanan sidoo kale ku dhex jirnaa baraha aad ku leedihiin saxaafadda bulshada (social media accounts).” Sidaa waxa lagu yidhi farriin digniin ah oo ka soo baxday waaxda Daacish u qaabilsan jabinta kombuyuutarrada lagu kaydiyo macluumaadka (hacking division).
Waxa kaloo farriinta ISIL intaas ku dartay, “Waannu haynnaa macluumaadka siraha idiinku kaydsan kombuyuutarrada, iyadoo aannu macluumaadkaas oo faahfaahsan u gudbin doono ciidanka Khaliifada Dawladda Islaamiga, kuwaasoo si dhaqso ah qoorta idiinka garaaci doona idinka oo jooga dhulkiina hooyo insha Allaah.”
Ciidanka booliska federaalka dalka Australia, ayaa saxaafadda u sheegay inay ka war hayaan in ISIL jabsadeen kombuyuutarrada lagu kaydiyo macluumaadka, isla markaana sidii falkaas wax looga qaban lahaa ay kala kaashanayaan hay’adaha dawladda ee arrintaasi la xidhiidho.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post