X

Carwada Ganacsiga Somaliland Oo Laga Furay Huteelka Guuleed Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa(ANN)Carwo Ganacsiga Somaliland ayaa maanta laga furay Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, iyadoo ay waxyaabo kala duwan iyo adeegyada dhinaca ganacsiga ah kusoo bandhigeen shirkado waaweyn sida Dahabshiil Group, Teleson, Somcable, SPS iyo shirkado kale oo qaarkood adeegyo cusub soo kordhiyeen, sida Universal Money Express oo xawaalad xidhiidh la leh Bangi Caalami ah.


Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, ayaa xadhiga ka jaray Carwadaa oo shalay lagu war helay qabashadeeda, iyadoo ay ka muuqatay aanay muuqan shirkaddo waaweyn oo carwooyinka sidan oo kale ah ka muuqan jiray, balse waxa ka dhex muuqday ganacsato u dhashay dalalka Suuriya, Masar iyo Turkiga oo badeecado kala duwan oo ay soo saaraan, isla markaana la keeno suuqyada ganacsiga Somaliland kusoo bandhigay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post