London (ANN)Dadweynaha dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa si lama filaan ah uga soo horjeestay in dalwaddoodu weerar ku qaado goobaha ay haystaan kooxda ISIS ee gudaha waddanka Suuriya.
Hasayeeshee, Aqalka Wakiillada (House of Commons) ee dalka Ingiriiska oo ka kooban 650 xubnood, ayaa dood adag kadib saacaddu markay ahayd 1:00 habeennimo eee xalay ansixiyey mooshin xukuumaddu soo gudbisay oo la xidhiidhay in loo ogolaado sidii diyaaradaha dagaalka ee Boqortooyada Uk u duqayn lahaayeen degaannada kooxda dawladda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish ka taliyaan ee dalka Suuriya, iyadoo Ingiriisku isla saqdii dhexe ee xalayba bilaabay inuu gantaalo ku dhufto bartil-maameedyo ku yaal gudaha Suuriya.
Aqalka Wakiillada ee dalka Ingiriiska oo tiradiisa guud dhan tahahay 650 mudane, waxa ugu tiro badan xisbiga muxaafidka ah ee la yidhaahdo Conservative Party oo haysta 331 xubnood oo Golaha Wakiillada ah, halka xisbiga ugu weyn mucaaridka ah ee shaqaaluhu (Labour Party) uu haysto 232 mudane, iyadoo guud ahaan xisbiyada mucaaridka ah haystaan 319 xubnood, balse, waxa mooshinka dagaalka ah taageeray 397 mudane, halka ay mooshinkaas diideen 223 mudane, waxaanna guulaystay dedaal Ra’iisal-wasaaraha Ingiriisku u galay sidii loogu ansixin lahaa inuu duqayn dhinaca cirka ah ku fuliyo Suuriya.
Dhinaca kale, Sahan qaab afti ah looga qaaday Ingiriiska gudihiisa oo natiijadeeda la shaaciyey Arbacadii shalay oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa muujisay in dadweynuhu ka soo horjeedaan tallaabo millateri oo ciidammadooda loogu diro kooxda ISIS, taas oo ku soo beegantay waqti dawladda Ra’iisal-wasaare David Cameron ku guulaysatay qorshe ay horgaysay Baarlamanka si uu ugu ansixiyo duqaymo dhanka ah oo laga fuliyo goobaha ay xooggan tahay Daacish.
Aftida ayaa dadkii aragtidooda lagu waydiiyey in dawladda Ingiriisku weerarto kooxda ISIS ay wax ka yar kala badh oo ah boqolkiiba 48% ay ogolaadeen tallaabada millatari, halka boqolkiiba 31% kale ka soo horjeesteen arrintaasi. Sidoo kale, 42% ka mid ah shacabka Ingiriiska ayaa u arka in aan duqayn cirka ah oo keliya lagu jabin karin kooxdan, sidaasi darteedna aanay wax macno ah lahayn in diyaarado loo diro Suuriya.
Waxa kaloo sahankan lagu ogaaday in dadka sida wayn uga soo horjeeda duullaanka Ingiriisku ay u badan yihiin dumarka oo boqolkiiba 36% aanay doonayn qorshaha dawladda, halka tirada ragga ee diidan duqayntu tahay 26%, iyadoo tiradaasi ahayd 58% laba toddobaad ka hor kadib markii Faransiiska la weeraray.
Xisbiga mucaaradka Labour oo sahankani caddeeyey in boqolkiiba 42% ah taageerayaashiisa ay ka soo horjeedaan in diyaaradaha dagaalka ee Ingiriisku ka qaybgalaan duullaanka xulafadu Maraykanku hoggaaminayaa ku duqaynayaan ISIS, ayaa hoggaamiyaha xisbigan Mr. Jeremy Corbyn, waxa uu ku tilmaamay weerar lagu qaado goobaha ay ku xooggan yihiin ISIS mid natiijadiisu noqonayso uun khasaare soo gaadha dad shacab ah oo aan waxba galabsan, balse aannu wax kale keenayn.
“Kadib weeraradii Ciraaq, Afgaanistaan iyo Liibiya, fikirka Ra’iisal-wasaaruhu ku donayo in loo codeeyo duqayn cirka ah waxay maskaxda xasuusinaysaa dhibaatada cawaaqibka xun ee ka dhalanaya. Wadahadallo nabadeed oo keliya ayaa lagaga hortigai karaa khatarta ISIS,” ayuu yidhi Mr. Jeremy.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380