#Araweelo_News_Network
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aamo ku waajahan shirkaddaha Isgaadhsiinta iyo gebi ahaan arrimaha dhaqallaha ee ganacsiga iyo wax kala iibisiga dalka.
Madaxweyne Cirro oo isugu yeedhay xubnaha gollaha wasiiradda, ayaa ku faaqiday kulanka arrimaha dhaqaallaha dalka iyo sidii loo heli lahaa qorshayaal lagu xoojinayo dhaqaallaha dalka iyo dakhliga dawllada.
Kullanka ayaa gunaannadkii laga soo saaray go’aamo la doonayo in wax lagaga qabto dhaqallaha dalka, si xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo ka daysrisay markii ay xilka la wareegtayย dhaqaallaha dalka ay khasab ku noqotay innay qaadato Odoroska Miisaaniyada xukuumaddii hore ee 2023, si loogu isticmaalo 2025.
๐๐จ,๐๐๐ฆ๐จ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐๐๐ก๐ข๐ ๐ข๐ข ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐ง ๐๐ ๐๐จl๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐ .
Isla Fadhigii aan Caadiga aheyn ee Gollaha Wasiirada ee maanta waxaa laga soo saaray GOโAAMO DHAXAL GAL AH oo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo horumarka qaranka JSL.
Goโaamadaas oo cod gacan taag ah ay ugu coddeyeen Gollaha Wasiiradu waxaa ka mid ahaa kuwan hoos ku qoran:-
.
๐. Goโaan Golle oo ku saabsan Dhaqan galinta Tiro koobka iyo Tayeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Goโaankaas waxaa u codeeyey 38 xubnood, cid ka aamustey iyo cid diiday-na may jirin.
๐. Gollaha Wasiirradu waxa uu u codeeyay dhaqan-gelinta Cashuurta Iibka (Sales Tax) ee tooska ugu soo dhici doonta Khasnada Dowladda ee wax iibsiga kala ah:
๐) Hanaanka wax iibsiga Mobile Money-ga (Merchant Payments) ee adeegyada lacagaha danabaysan (Zaad, eDahab, MyCash, Sahal, iyo kuwa la midka ah).
๐) Hannaanka Wax Iibsiga ee ka dhex dhaca Mobile Applications-ka Bangiyada iyo Wallets-ka (DahabPlus, Waafi, PremierWallet, AmalBank, IBS Bank iyo kuwa la midka ah).
๐) Hannaanka ku shubashada lacagaha ku hadalka iyo Internetka ee Shirkaddaha Isgaadhsiinta (Telesom, Somtel, Somcable/SO, Soltelco, Gollis, Bluecom iyo dhammaan shirkaddaha bixiya ISP Services).
๐ ) Hannaanka Biil-bixinta ee Shirkaddaha bixiya adeega Dabka (Utility Bill Payment).
๐ ) Iyo dhammaan noocyada biil-bixinta ee nidaamsan iyo kuwa kaleba.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha Gollaha Wasiirrada ee hoos ku sheegan u magacaabay Dhaqan-galinta Cashuurta Iibka ee tooska ah ee adeegyada sare ku sheegan:
๐) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha.
๐) Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada,
๐) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.
๐) โ Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Horrumarinta Madaaradda.
๐) Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
๐ซ๐๐๐ฒ๐ฒ๐ป ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐๐ถ๐ด๐ฒ (๐๐ฒ๐๐ฟ)