#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-“๐ˆ๐ฌ๐›๐š๐ก๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ฎ, ๐ก๐š๐๐๐ข๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ฌ๐ข๐๐š ๐œ๐š๐๐œ๐ž๐ž๐๐๐š ๐ฎ ๐œ๐š๐๐๐š๐ฒ๐ง ๐ฐ๐š๐š๐ฒ๐จ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐š ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐š๐ฐ๐จ๐จ๐ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š, ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š ๐ค๐š๐ ๐š ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ง ๐ฆ๐š๐š๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ๐๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐ž๐ž ๐ฐ๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐จ๐จ๐๐ฎ ๐ ๐š๐›๐š๐š๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ.” Sidaa waxa qoraal uuย  ku baahiyay bartiisa Facebook Xildhibaan Maxamed Abiib.

 

Qoraalka uu Xildhibaan Maxamed Abiib oo dhowaan Gollaha wakiiladdu ku guuldadaystay inuu go’aan la gaadho dalab Xeer Ilaalintu kaya dalbatay in maamuuska lags xayuubiyo si dacwad loogu ooggo, isagoo xilligaa ku maqnaa gobolka Awdal ee laga soo doortay.

Xuldhibaanka oo kusoo laabtay Hargeysa ayaa ku bilaabay qoraakiisa sidan:-

^Laba toddobaad ka hor, waxaan u safray magaalada Boorama, aniga oo ujeedkaygu yahay in aan la tashi kula noqdo bulshadii i dooratay, ee aan ku matalo kursiga Wakiillada. Dadweynihii isoo dhaweeyay ee baaxadda lahaa, ma ahayn dad fantasiyo iyo ciyaar isugu soo baxay, ama jifo goonni ah iyo jabad gaar ah, ee waxay ahaayeen dadka reer Awdal ee xariirta ah oo isku duuban, kuwaa oo ii dhiibay dareenkooda iyo tabashadooda ay ku doonayaan awood qaybsiga ay xaqa u leeyihiin oo dhamayatiran. Soomaali oo dhanna markhaati ayay uga dhigeen.

Kuma qanacsanin in aan dhex jooge ka ahaano dalkii aan dhidibkiisa taagnay, nabadiisa dhalinay ee aanu 34 kii sano ee u dambeysay, maalin walba ka shaqaynaynay naruuradiisa, iyo isku hayntiisa.
Kama ahaanayno daawade, mana aqbalayno in aanu ka qatanaano boosaska iyo xilalka waaweyn ee qaranka, ee ay kamid yihiin fulinta, garsoorka, kursiga ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š iyo ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐ฑ๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ง๐š๐๐š ๐ ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐š๐๐š, oo ah mid aan noo qalmin.
Sida uu ku caddeeyay qoraalkiisa wuxuu ku booriyayย  Isbahaysiga Xisbiga WADDANI iyo urur siyaasadeedka KAAH ee uu ka tirsanyahay in ay lama huraantahay , inay qeexaan awood qaybsiga dalka.

“Isbahaysigu, waa in uu heshiiskiisa ku caddeeyo far waaweyn, waxa uu ka beddelayo ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ฐ๐จ๐จ๐ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š, haddiise aanu ku caddayn, kama duwanaan doono xisbiga iyo madaxda Kulmiye ee waqtigoodu gabaabsiga yahay. Arrintaa, cod hoose iyo mid sareba waan ku sheegayaa, hoostaanan ka ๐ฑ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ข๐ช๐š๐ฒ๐š๐š.’

๐–๐š๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ, ๐ก๐š๐๐๐ข๐ข ๐š๐š๐ ๐ค๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ข ๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ง ๐ฌ๐ข๐๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐ฆ๐š๐ง๐Ÿ๐š๐œ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š๐ก๐š๐ฒ๐ง, ๐ฆaal๐ข๐ง ๐›๐š๐š ๐ข๐ฆ๐š๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐ฅ๐š ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐จ.

Sidoo kale, anigu Maxamed Abiib ahaan, dan gaar ah kama lihi kursiga golaha wakiilada ee aan ku faadhiyo, hadaad qaadaysan iyo hadii kale oo waxaad haysataan 62 mudane, waxana ii muuqata inaad hoosta ka wada socotaan; mucaarad iyo muxaafid. waayo golihii uu aqlabiyaddiisa isbahaysiga mucaaradku haystay ayaa la dhaafin kari waayay warqadaa baadilka ah. Ilama aha, waxayse iila muqataa inaad rabtaan inuu halkaa idiin yaalo oo aad saacadii aad doontaan isticmaashaan.

Dhanka kale, siyaasiyiinta iyo saaxiibadayda aan ka soo wada jeedno gobolka Awdal ee ku hawlan in ay kala qaybiyaan dadweynaha Awdal, waxaan leeyahay, waa la dhaafay waqtigii dadkayga la kala saari lahaa masiirkoodana lagu shaqo tagi lahaa.

Ugu dambayn, waxaan shacabka Awdal leeyahay, kala jebintu waa dhaqanadii iyo caadooyinkii aad hore ugu weydeen xaqiina siyaasadeed ee aad u qalmayseen. Waxaan idin xasuusinayaa, in aad ka digtoonaataan haddallada ay idinku kala qaybinayaan kuwa aan u qalmin matalaaddiina iyo siyaasiyiinta aan hamigiina xambaarsanayn.

Waxaan kaga baxayaa erayo kamid ah heestii caanka ahayd ee Abwaan Maxamed Cali Kaariye

– Hadhow bay odhan
– Layma heesine
– Laylama hadline
– Doob hurdaa I helay.