X

Somaliland: Xukuumadda Oo Sharaxday Qaabka Loo Qaadayo Cashuuraha Lasoo Rogay

Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay doodaha ka dhashay cashuuraha ay xukuumaddu dhowaan sheegtay innay hirgelinayso dalka, taas oo dhalisay hadalhayn la xidhiidha sida ay culayska ugu noqonay Bulshada.

Hase yeeshee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha Somaliland ayaa maanta soo saartay qoraal saxaafadeed ay ku iftiiminay qaabka loo qaadayo cashuurta lasoo rogay iyo cida ay ku waajibtay, iyadoo dhinaca kale, lagu xusay war-safadeedka in warar lagu baahiyay baraha Bulshada oo la doonayay in lagu khalkhaliyo qorshaha xukuumadda aannay ahayn kuwa sax, balse ay yihiin warar been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Sidoo kale, waxay wasaaraddu qoraal saxaafadeedka ku sheegtay xilliga la bilaabayo ee ay dhaqan gelnay maadaama ay iyadu qaranka uga masuul tahay Ururinta cashuuraha iyo dakhliga.

Qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha Somaliland ayaa lagu yidhi, “Wasaaradda Maaliyada iyada oo fulinaysa Go’aankii Guddida Gollaha Wasiiradda JSL ee loo xil-saaray dhaqan-gelinta cashuurta adeegyada (GST) ee soo baxday 26.02.2025, waxa aan halkan ku caddaynaynaa in hawshaasi u socoto si habsami leh, isla markaana shirkaddaha Korontadu ay dhaqan-geliyeen cashuurtaasi, fuliyeena isku-xidhka API-ga ee nidaamka Iibka shirkaddaha iyo nidaamka GST-ga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Shirkaddaha Isgaadhsiinta waxa aanu mabda’ahaan isla qaadanay dhaqan-gelinta cashuurtan, iyada oo gacanta lagu hayo farsamo ahaan dhammaystirkeeda.

Hase yeeshee waxaa soo baxay fariimo been abuur ah oo lagu baahiyay baraha-bulshada, kuwaas oo lagu jaho-wareerinayo bulshada laguna sheegay in cashuurta GST ee la dhaqan-geliyay ay ku dhacayso lacagaha la is kugu diro taleefanka gacanta ee Zaad iyo eDahab, taasi oo aanay waxba ka jirin haba yaraatee.

Bulsho weynta ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland waxaan halkan ugu cadaynaynaa in Cashuurta GST-gu ay la xidhiidho Iibsiga Adeegyada iyo Badeecadaha, adeegyada Isgaadhsiinta ee cashuurtaasi ay ku dhici doontaana ay yihiinkuwan hoos ku xusan:-

• Ku shubashada Lacagta ku hadalka ee Mobile-ka (Airtime).
• Internet-ka Mobile-ka (Mobile Data).
• Internet-ka Xafiisyada/Guryaha.
• Adeegyada kale ee Isgaadhsiinta ee Shirkadduhu bixiyaan.

Ugu danbeyntii waxaanu halkan ku iftiimaynaynaa in Xukuumadda JSL ay dedaal ugu jirto sidii loo kobcin lahaa Dhaqaallaha dalka, korna loogu qaadi lahaa Dakhliga Dawladda, si loo horumariyo adeegyada Dawladda, loona hirgeliyo mashaariicda horumarineed ee wax ka taraya dhaqaalaha Wadanka.” ayaa lagu war-saxaafadeedka.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post