#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Shirka gollaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, oo maalintii labaad galay, isla markaana lasoo gebagebeeyay, ayaa lagu meel mariyay Barnaamij Siyaasadeedka uu Xisbigu doonayo inuu dalka ku hoggaaminayo marka la gaadho doorashada Madaxtooyadda, iyadoo Ergada Golaha dhexe ee Xisibiga WADDANI ee madasha fadhiyay  cod-aqlabiyad ah ku ansixiyay Barmaamij Siyaasadeedkiisa.

Sidoo kale, waxa shirka lagu doortay Murrashaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee doorashada Madaxtooyadda u metelaya tartanka marka la gaadho 13 November 2024, iyadoo Murrashaxa Madaxtooyadda loo doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Maxamed Cali Aw Cabdi, waxayna labada murrashax xubnaha gollaha dhexe ee madasha fadhiyay siiyeen codka aqlabiyada ah.

Shirka oo gollaha dhexe ayaa sidoo kale, lagu doortay xubnaha gollaha dhexe hoggaaminaya oo ergooyinka loo weydiiyay inay codkooda siiyaan,a ama diidaan, waxaana xubnaha la siiyay codad aqlabiyad ah.

Xubnaha Gollaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, ayaa metelaya gobollada iyo deegaamada dalka oo dhan, waxaana intii aan shirka lasoo gebagebayn laga dooday barnaamijka Xisbiga ee la doonayo in shacbiga laga iibiyo si ay doorashada madaxtooyadda codkooda u siiyaan, kaas oo lagu faaqiday madasha, isla markaana markii la lafaguray loo codeeyay. 

Shirka gollaha dhexe oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday magaalada Hargeysa, gaar ahaan Huteelka Maansoor ayaa kusoo dhammaaday si nabadgelyo ah, iyadoo aannay muuqan ilaa hadda wax khilaaf ama tabashooyin dhinaca guddaha kasoo baxay, sida inta baddan la arkay marka ay ururada,ama asxaabta siyaasadu shirar sidan oo kale qabsadaan.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com