#Araweelo_News_Network
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa kulan deg deg ah la yeeshay shirguddoonka labada golle ee Wakiillada iyo Guurtida iyo weliba Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre.
Kulanka oo ahaa mid albaabada loo xidhay oo saacado qaatay ayaa ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, iyadoo Madaxweyne Cabdiraxmaan kulanka maanta uu qaabilay Xafiiskiisa Shir Guddoonka Labada Golle (Guurtida iyo Wakiilladda), Saleebaan Maxamuud Aadan Iyo Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sarre, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.
Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Deyr ayaa war-saxaafadeed kooban uu kulankaa kaddib uu saxaafadda la wadaagay ku sheegay in ujeedada Madaxweynuhu kulanka ula yeeshay masuuliyiinta u sareeya Qaranka ay ahayd sidii ay wada tashi uga yeelan lahaayeen xaaladda collaada ee kasoo cusboonataay Bariga Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
“Madaxweynuhu wuxuu uga mahadnaqay Odayaasha sidii looga wada shaqayn lahaa Danaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. waxayna wax iska waydiiyeen sidii tallo Qaran looga yeelan lahaa shaqaaqooyinka ka dhacay Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag iyo sidii xasiloonida Bulshada loo adkayn lahaa.” ayuu yidhi.
Sida lagu xusay war-saxaaadeedka Madaxweynuhu waxa uu Hay’addaha Qaranka ee Sharci dejinta iyo Garsoorka u balan qaaday inuu la yeelan doono wada shaqayn dhaw, wallow aan war-saxaafadeedka lagu soo qaadin dagaalka maanta gelinkii danbe ka dhacay duleedka Koonfur Bari ee Magaalada Ceergaabo oo wararka hordhaca ah ee soo gaadhay shabakaddaha Araweelo_News_Network, sheegayaan in uu jiro khasaare aan weli si dhab ah loo xaqiijin oo ay jiraan gaadiid laga qabtay Maleeshiyaadka iyo maxaabiis.