Maxaa Lagaga Hadlay Kulanka Albaabada Loo Xidhay Ee Madaxweynuhu Isu Yeedhay Wasiirrada Xukuumadda Somaliland?
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa (ANN)- Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah yeeshay kulan deg-deg ah oo albaabada loo xidhay, kaas oo lagaga hadlay arrimo baddan.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo gudoominayay kulanka, waxa ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali iyo xubbanaha Gollaha Wasiirrada.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Deyr, ayaa ku sheegay qoraal saxaafadeed koobban kulanka kaddib in  kulanku ahaa mid deg-deg ah oo Madaxweynuhu isugu yeedhay xubnaha gollaha wasiirrada.
Ujeeddada ayuu ku sheegay Afhayeenku innay ahayd si Madaxweynuhu uu xog warran guud uga siiyo Safarkii Shaqo ee uu dhawaan  ku tagay dalka Imaraadka Carabta (UAE).
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn Gollaha Wsiirrada u sheegay in waftigiisu ay kala hadleen Dawalda Imaraadka sidii labada Dal ay iskaga kaashan laahayeen arrimo door ah, isagoo si gaar ah u tilmaamay, “Sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraadka Carabta.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrimaha wefdiga Madaxweynaah Somaliland iyo dawladda Imaaraadka ee UAE, ka wada hadleen, ” Sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada Dhaqaallaha, Shaqo-abuurka, Maalgalinta Mashaariicda Horrumarka, Maaligalinta Beeraha, Xoollaha, Waxbarashadda, Maalgalinta Macdanta iyo Shidaalka, Iskaashiga Bangiga dhexe, sii amba-qaadka ballaadhinta Maalgashiga DP World, iskaashiga arrimaha Amniga, iyo arimo kale oo mudnaan u leh labada dal.” ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka kasoo baxay kulanka deg-dega ah ee Madaxweynuhu isugu yeedhay xubnaha xukuumaddiisa ee gollaha wasiirrada, balse qoraal saxaafeedka laguma xusin mashaariicda ay labada dhinac iska kaashanayaan iyo qoondada kharashka ku baxaya iyo xilliga ay bilaabmayaan.
Sidoo kale, qoraal saxaafadeedka laguma xusin qaabka loo fulinayo maalgelinta mashaariicda iyo meelaha laga fuliyo, wallow ay rajjo iyo yididiilo ka muujisay xukuumadda cusub natiijadda safarkeeda oo ahaa kii ugu horeeyay ee Madaxweynuhu dalka kaga baxo tan markii uu ku guulaystay doorashadii 13  Nov 2024, taas oo uu ku fuulay kursiga aqlabiyad weyn, isla markaana shacbigu ka filayaan balanqaadkii ay ku sheegtay ollolaha xilligii doorashada.
Madaxweynuhu waxaa uu Golaha Wasiirada u sheegay in isaga iyo waftigii uu hogaaminaayey muddadii 4 cisho ahayd ee ay joogeen dalka Imaraadka Carabta ay kulamo kor u dhaafaya 10 kulan ay la yeeshay Masuulyiinta ugu sarreysa Imaraadka carabta.
`
Dhinaca kale, kulanka  ayaa gunaannadkii laga soo saaray go’aamo la doonayo in wax lagaga qabto dhaqallaha dalka, si xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo ka daysrisay markii ay xilka la wareegtay  dhaqaallaha dalka, iyadoo ay khasab ku noqotay innay qaadato Odoroska Miisaaniyada xukuumaddii hore ee 2023, si loogu isticmaalo 2025.
𝐆𝐨,𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 .
Isla Fadhigii aan Caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ee maanta waxaa laga soo saarey GO’AAMO DHAXAL GAL AH oo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo horumarka qaranka JSL.
Go’aamadaas oo cod gacan taag ah ay ugu codeyeen Golaha Wasiiradu waxaa ka mid ahaa .
𝟏. Go’aan Golle oo ku saabsan Dhaqan galinta Tiro koobka iyo Tayeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Go’aankaas waxaa u codeeyey 38 xubnood, cid ka aamustey iyo cid diiday-na may jirin.
𝟐. Golaha Wasiirradu waxa uu u codeeyay dhaqan-gelinta Cashuurta Iibka (Sales Tax) ee tooska ugu soo dhici doonta Khasnada Dowladda ee wax iibsiga kala ah:
𝐀) Hanaanka wax iibsiga Mobile Money-ga (Merchant Payments) ee adeegyada lacagaha danabaysan (Zaad, eDahab, MyCash, Sahal, iyo kuwa la midka ah).
𝐁) Hannaanka Wax Iibsiga ee ka dhex dhaca Mobile Applications-ka Bangiyada iyo Wallets-ka (DahabPlus, Waafi, PremierWallet, AmalBank, IBS Bank iyo kuwa la midka ah).
𝐂) Hannaanka ku shubashada lacagaha ku hadalka iyo Internetka ee Shirkaddaha Isgaadhsiinta (Telesom, Somtel, Somcable/SO, Soltelco, Gollis, Bluecom iyo dhammaan shirkaddaha bixiya ISP Services).
𝐃 ) Hannaanka Biil-bixinta ee Shirkaddaha bixiya adeega Dabka (Utility Bill Payment).
𝐄 ) Iyo dhammaan noocyada biil-bixinta ee nidaamsan iyo kuwa kaleba.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha Golaha Wasiiradda ee hoos ku sheegan u magacaabay Dhaqan-galinta Cashuurta Iibka ee tooska ah ee adeegyada sare ku sheegan:
𝟏) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
𝟐) Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada,
𝟑) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.
𝟒) ⁠Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda.
𝟓) Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
𝗫𝘂𝘀𝗲𝗲𝗻 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗴𝗲 (𝗗𝗲𝘆𝗿)