X

Somaliland: Madaxweyne Biixi  Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka  Britain U Joogay Soomaaliya  Ee La Bedelay

Araweelo News Network.

# Somaliland: Madaxweyne Biixi  Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka  Britain U Joogay Soomaaliya  Ee La Bedelay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Britain ee dhowaan la bedelay Amb. Ben Fender oo ahaa Safiirka Somalia, isagoo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somalilan.

Amb. Ben Fender, ayaa safarkiisu noqonayaa kii u danbeeyay ee uu ku sii sagootiyay Somaliland, iyadoo dowladda Britain Jan 4th, 2021usoo magcawday  dalka Soomaaliya  Safiir maamuus cusub, haweenay magaceedu yahay Kate Foster oo ay sheegtay inay tahay Safiir Maamuuska u jooga Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo  Amb. Ben Fender, waxaana kulankaa lagaga hadlay sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland qodobbo ay ka mid  yihiin arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland oo go’aanka u danbeeya iska leh tidobaadkan.

Sidoo kale, waxa kulankaa  lagu lafo guray kdeeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.

Madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa safiirka uga mahadnaqay muddadii ay soo wada shaqeeyeen, maaddaama oo lugtii ugu danbaysay shaqadiisu ay ahayd maanta oo madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa, Madaxweyne Biixi, ayaa madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska inay is waafajisay tiirarka qorshaha horumarinta Somaliland iyo deeqaha Ingiriisku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba uga mahadnaqay sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilkaasi hayey. sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyadda Somaliland.

AKHRI: Haweenayda Danjiraha Britain Usoo Magcawday Soomaaliya Waa Tuma?

Xukuumadda Britain ayaa sheegay in horaanta sannadkan F February 2021 danjirihii hore ee u joogay Soomaaliya OBE, Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo diblamaasiyadeed si uu uga Shaqeeyo, kaas oo aan la shaacin, waxaana xilkaa loo magcaabay haweenay magaceedu yahay Kate Foster oo ay sheegtay inay tahay Safiir Maamuuska u jooga Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post