#Araweelo_News_Network

Oog, Sool (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa ayaa gaadhay Saldhiga Ciidamada Qaranka Somaliland ee duleedka Laascaanood.

Socdaalka Madaxweynaha oo la xidhiidha safar shaqo oo maalmihii u danbeeyay uu ku marayay Bariga Somaliland, ayaa Taliska Ciidanka Qaranka ee Oog oo ah deeganka gobolka Sool, wuxuuna ka jeediyay  halkaa khudbad uu ku ishaaray in dagaalku aannu istaagayn ilaa ay Somaliland qaranimadeedu guulaysto.

 

Madaxweynaha waxa halkaas ku soo dhaweeyey taliyaha ciidanka qaranka, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, wuxuuna salaam Sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka ku sugan taliska Oog, iyadoo uu madaxweynuhu warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee ciidanka qaranka ee aaggaas ku sugan, ka dhegeystay Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, isagoo sheegay inay ciidamadu si buuxda diyaar ugu yihiin difaaca qaranka, islamarkaana ku jiraan gudashada waajibkooda.

Madaxweyne Biixi Cabdi ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay halkaa ciidamada qaranka ku bogaadiyay dedaalka nafhurnimada ah ee ay ku jiraan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay difaacaan sharafta iyo haybadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Muuqaalkan ka Daawo Khudbada Madaxweynaha

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com