X

Somaliland: Madaxweyna Oo Magcaabay Agaasimaha Sirdoonka Qaranka

Eng. Jama Elmi

Waa Kuma Masuulka Loo Magcaabay Hay’adda Sirdoonka Qaranka?
Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo ku taariikhdu tahay 25/12/2024, oo
warbaahinta lagu shaaciyay, ayaa lagu sheegay  in Madaxweynuhu xilkaa u magaacay Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed.
Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedka wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024 , wuxuu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
” Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyay: Ahmiyadda ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku u leedahay Amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyay;
In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.” ayaa lagu yidhi, Wareegtada Madaxweyne  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiullaahi (Cirro).
Dhinaca kale, Agaasimaha cusub ee loo magcaabay xilkan ayaa hore usoo qabtay Xilka Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, xilligii Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo ka mid ahaa saraakiishii sare ee Ciidamadda dawladdii Soomaaliya ee burburtay, isla markaana leh aqoon dhanka amniga iyo ciidamada.
Sidoo kale, Agaasime Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed, ayaa ah masuul aan magaciisu ku cusbayn saaxadda siyaasadda oo dadka aqoonta u lihi ku tilmaamaan masuul xilalka uu soo qabtay ku amaanan oo ay bulshadda inta aqoonta u lihi ku sifeeyaan mid ku addag go’aamadiisa si masuuliyad iyo ixtiraam leh, isagoo sidoo kale, soo maamulay shirkaddo ganacsi oo waaweyn oo gaar loo leeyahay iyo kuwo dawli ah.
Magcaabistiisa ayaa kusoo beegnatay xilli ay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waajahayso duruufo iyo xaallado collaadeed  oo dhinacyo baddan oo ka alloosan qaybo ka mid ah deegaamada Somaliland iyo weliba collaado xilligan ka bilaabmay xadka dhinca Koonfurta Somaliland ee guddaha dalka Ethiopia ee deegaamada Hawdka oo dadka shacabka ee ka tirsan maamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga  oo asal ahaan kasoo jeeda isir ahaan Somaliland iyo ciidanka Booliska ee loo yaqaan Liyu Boolis, iyadoo dagaalka maalintii labaad ka dhacay deegaanka Dacawalay ee guddaha.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post