X

Somaliland: Gollaha Guurtida Oo Soo Saaray Go’aan Si Weyn Looga Taxadiray Oo La Xidhiidha Doorashadda Gollayaasha Wakiiladda Iyo Deeggaanka

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen gollaha Guurtida Somaliland, ayaa laga soo saaray go’aan la xidhiidha soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u gudbiyay ee ahayd is waafajinta muddada hore loogu kordhiyay gollaha wakiiladda iyo muddada loo cayimay doorashadda.

Gollaha oo guddi ka kooban dhawr iyo soddon xubnood u saaray arrintaa, ayaa maanta soo saaray go’aan ay kaga jawaabayaan soo jeedinta muddada la doonayo in ay is waafajiyaan ee la xidhiidhay xilliga loo asteeyay doorashadda gollaha Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa guddoomiyay fadhigaa oo ay ka xaadireen 79 xubnood, waxaana laga akhriyay soo jeedinta Madaxweynaha iyo soo jeedinta guddida shalay loo saaray inay soo naaqishaan.

 

“Gollaha Guurtida, ayaa hore usoo saaray go’aan ku taariikhaysnaa 24 November  2019,, ee kordhinta muddo xileedka gollaha wakiiladda, wuxuu soo saaray go;aanka ah.

 

Go’aanka, ayaa dhigayay in muddo xileedka golllaha wakiiladda Somaliland ee ku eeg 12 Jan 2022, laga bilaabo 2 Feb 2021, dhammaadka muddo xileedku ku eegyahay bil kaddib maalinta ay qabsoonto doorashadda gollaha wakiiladda Somaliland.

Gollaha ayaa cod loo geliyay soo jeedinta guddida, waxaana oggolaaday 78 Mudane oo madasha fadhiyay, iyadoo guddoomiyuhu aannu codayn, sidaana waxay ku ansixiyeen soo jeedinta guddida oo aan waxba ka bedelin muddo kordhintii ay hore u sameeyeen, balse muddada soo jeedinta Madaxweynaha ee komishanku u cayimay doorashada iyo muddada xilka gollaha wakiiladda inta u dhaxaysa lagu qabto doorasho, si haddii muddadaa ay ku qabsoomi weydo aan loogu baahan muddo kordhin.

Go’aanka guurtida, ayaa u muuqda mid si weyn looga taxadiray oo aan waxba ka beddelayn muddo kordhinta ay hore ugu sameeyeen gollaha wakiiladda ee xilligan kuraasta ku fadhiya cimrigooda, isla markaana aan khilaafsanayn soo jeedinta Madaxweynaha iyo axsaabta qaranka ee muddada komishanka doorashooyinku u asteeyeen doorashooyinka Somaliland ee gollaha Wakiiladda iyo gollayaasha deegaanka.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post