Araweelo_News_Network
Berbera (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa isagoo weli ku gudo-jira safarkiisii shaqo ee uu ku joogey Gobolka Saaxil wuxuu maanta soo kormeeray Dekadda caalamiga ah ee Magaalada Berbera iyoย Haamaha Kaydka shidaalka iyo goobo kale oo mihiim ah.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera, ayaa ugu horrayn kormeer indho indhayn ah ku tegay Aagga ka caagan degista ee Badda xeeligeeda ,kaas oo cabirkiisu uu dhan-yahay laba boqol oo mitir (200M),halkaas oo uu war-bixin kaga dheggaystay Wasiirka Hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta iyo maamulka Degmadda Berbera iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
Sidoo Kalena Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa soo kormeeray Marsada caalamiga ah ee magaalada Berbera, waxaanu Madaxweynuhu uu indho indheeyey mashaariic-da waaweyn ee ay shirkadda Dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha Dekedda iyo qalab casri ah oo ay keentay,isagoo war-bixin ka dhegaystay maamulka Dekadda ,kuwaas oo ku dheeraaday horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Dekeddu.
Dhanka Kalena Madaxweynaha ayaa soo kormeeray kaydka haammaha shidaalka Qaranka ee Magaalada Berbera,halkaas oo uu war-bixin kaga dhegeystay Mareeyaha Kaydka Hamaha Shidaalka Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme,kaas oo si waafi ah uga xog-waramay qorshaha horumarineed iyo hiigsiga mustaqbalka dhaw,isagoo xusay inay dhawaan awood u yeellan doonnaan inay buuxiyaan baahida shidaal ee qaar kamid ah dalalka deriska, maddaama oo la kordhinayo oo kor loo qaadayo xaddiga haamahana
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maamulka Gobolka Saaxilย iyo ka degmada Berbera iyo bulshada reer Saaxil-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda oo ah furraha horumarka,waxaanu sheegay in xukuumadda wadda jir iyo wax-qabad ay hirgelin doonto mashariic lagu diirsan doonno dhawaan,isla markaana ay Berbera ku soo socdaan maalgashiyo waa weyn oo calami ah.
sidoo kale. Madaxweynaha ayaa soo kormeeray shaybaadhka casriga ah ee hubinta tayada cuntada, daawada iyo agabka kale, isagoo u guur-galay qaabka uu u shaqeeyo.
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ e (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐