X

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka daareen celisay safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefdi uu hoggaaminayo kaga soo laabteen shalay Magaalada Caasimada u ah dalka Ethiopia iyo kulamadii Madaxweynuhu la yeeshay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Madaxdii ku sugnayd halkaa.

Qoraal saxaafaeed kooban oo kasoo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa lagaga hadlay kulamadaa oo aan wax badan laga ogayn, waxaana lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo saddex maalmood ah booqosho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ka soo qayb galay kal-fadhiga 33aad ee Ururka Midawga Afrika.”

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network, waxa lagu xusay kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland ee Addis Ababa, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.” ayaa ;lagu yidhi, qoraalka kooban ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo aan wax faaf-faahin ah ka bixin natiijada kulankaa iyo waxyaabaha lagaga hadlay.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, waxay qoraal saxaafadeedkaa ku xustay in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqayso Dawladda Jamhuuriyada Dimuqraaddiga Federaalka Ethiopia, Gaar ahaan Ra’iisal Wasaaraha Dr. Abiy Ahmed sidii milgaha iyo sharafka badnayd ee loo gu soo dhaweeyey waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland muddadii uu ku sugnaa dalkiisa, ayaa lagu yidhi, Qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Ahmed Omer Elmi oo ah Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.

Akhri: Dhawaaqyo Kala Duwan Oo Kasoo Baxay Kulankii Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Ethiopia

Sidoo kale, waxa lagu sheegay in Dawladda Somaliland, si mug leh ugu mahadnaqayso Hogaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ay sheegeen inay kulamo kula yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Midawga Africa, mudadii uu ku sugnaa, walaw aan lagu xusin hoggaamiyayaasha uu la kulmay Madaxweynuhu mudadii uu ku sugnaa Addis Ababa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post