Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa a hadashay mashaqada dagaalka mar kale ka qarxay deegaanka Dacawalay ee maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia ee Kililka shaanaad, iyadoo dad shacab ah oo kasoo jeeda isir ahaan dhanka Somaliland, balse dadka deegaanka ah ay ciidamada Liyu Boolis ee maamulkoodu u geystay weerar lagu macneeyay “Xasuuq shacab”.
Dhaawacyada boqolaal gaadhaya oo dadka deegaanka ah, ayaa qaarkood lasoo gaadhsiiyay Cusbitaalada Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, maadaama aannay suurtagal ahayn in dhaawaca loo qaado dhanka Jigjiga ee Is-mamulka ay ka tirsan yihiin ee Ethiopia.
Ma jirto toro sax ah oo mashaqada dhimmashada iyo dhaawaca, balse dhimashada ayaa ka baddan tobaneeyo qof oo shacab ah, kuwaas oo ay ku jiraan dumar iyo caruur iyo dad waayeel ah, waxaana dadka deeganku qabteen qaar ka mid ah Ciidanka Liyu Boolis iyo gaadiid, kuwaas oo xukuumadda Somaliland gacanta loo geliyay , wallow aan tiradooda si dhab ah loo oagayn khasaaraha dhabta ah.
Salaadiin ka tegey dhanka Somaliland ayaa deeganaka u tegey xalinta masiibaddan, iyadoo ay dhinaca dadka deegaanka Odayaal iyo madaxdhaqameed doonayay in arrintan la xaliyo ay la kulmeen mashada dhacday maanta ee deegaanka dacawaley oo lagu tilmaamay xasuuq ay geysteen ciidamada Liyu Boolis ee maamulka DDH.
Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka waxay ciidamada Liyu Boolis u kaxaysteen dhanka Jigjiga, iyadoo qaarkood warbaahinta laga arkayay iyagoo ka hadlaya xaallad aan ka turjumayn wixii ka dhacay deegaanka maanta..
Cusbitaalka Guud ee hargeysa Hospital ayaa ku wargeliyay Bulshada in dhaawacyada aan loo hayn dhiiga noocooda loo baahanyahay.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ku tilmaantay dagaalka mid xasuuq ah, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda uu cambaaraynayaa “Xasuuqa ay degaanka Dacawaley “ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyu Booliska,.”
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, ayaa lagu yidhi, Ciidanka Liyuu Boolis waxay xasuuq u geysteen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaa soo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.”
Sidoo kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad, ayaa lasii raaciyay war-saxaafadeedka uu warbaahinta soo gaadhsiiyay Cabdiullaahi Axmed Caarshe
oo ah Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL.
“Waxaan si mug leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Ethiopia, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.” ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka uu soo saaray wasiirka amniga Somaliland.
Madaxweynaha Maamuulka Soomaalidda Ethiopia, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay, sida ay Wasaaradda Amniga Somaliland ku xustay qoraalka.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka IEthiopia oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya , waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood, ayaa lagu yidhi, qoraalka, wallow aan la xusin halka uu ka dhacayo wadahadalku iyo dhinaca dawladda Federaalka Ethiopia cidda ka imanaysa.