X

Somaliland Waxay Aqbashay In Ciidamadda La Kala Qaado Tukaraq, Balse” Warsaxaafadeed

Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku sugan Tukaraq

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay mawqifkeeda collaada deegaanka Tukaraq, isla markaana waxay iftiimisay mawqifkeeda dedaaladii xalka loogu raadinayay colaaddaa, iyadoo dhinaca kale jawaab ka bixisay dhawaaqyadii u danbeeyay ee kasoo baxay madaxda maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ahaa kuwo xanbaarsan dhiilo collaadeed oo cusub.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

“Waxa maalintii shalay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Baraha-bulshada haysatay warar ka soo baxay maamulka Puntland ee Soomaaliya kaasi oo nuxur kiisu ahaa dagaal lagu soo qaado Jamuuriyadda Somaliland.

 

Somaliland Wax ay aqbashay dhamaan go’aamadii urur-goboleedka IGAD,Xafiiska wakiilka UN-ta u qaabilsan Somaliland Iyo Somalia kuwaas oo ahaa in shacabka walaalaha ah ay isku gudbi karaan, in Hay’addaha gar-gaarka deg deg  ah ka shaqayn karaan goobahaasi colaaddu ka jirtay iyo in Ciidamadda la kala qaado, balse dhamaan arrimahaa waxa jebiyey Maamulka puntland ee uu masuulka ka yahay Cabdi weli Gaas.

 

Madaxda mudo kordhiska rabta waxay maalin kasta Warbaahinta lasoo fadhiyaan kala fogaynta shacabka iyo waliba sidii ay fad-qalalo uga ridi lahayeen deegaanada nabada iyo horumarku ka jiro ee ka bad baaday maleeshiyadaas, Ciidanka Somaliland wali may gaadhin xuduuda rasmiga ah ee aanu leenahay taasi oo ah kambalka Caasimada maamulkaasi balse waxaanu tix galinaynaa oo dhawraynaa Shacabka deegaanadaasi oo aanu barakac u diidayno iyo si aanay cabsi badan uga dareemin ciidamadaasi dushooda yimid Tukaraqna waa deegaan Somaliland ka tirsan.

 

Dawlada Somaliland waxa ka go’an Nabad ku wada noolaanshaha wadamada jaarka ah, balse ma aqbalayso cid kasta oo xuduudaheeda ku soo xad-gudubta, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Ciidamada Qaranaka waxa ka go’an in ay sugaan  xuduudaha kala duwan ee dalka, waxaana digniin u diraynaa Maamulka Puntland ee Somaliya oo aanu leenahay nabad kuwada noolaanshaha mandaqada waanu tix galinaynaa hadiise aad tix galin waydaan waxaad la kulmi doontaan wixii aad hore ciidan ka xooga badan ee qaranka kala kulanteen.

 

 

Geba-gebadii waxaanu fariin adag u diraynaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo aanu leenahay hadii aad tix galin waydaan wada noolaanshaha iyo daris wanaaga waxaad mutaysan doontaan casharo badan oo dhaxal gal idiin noqda, Beesha Caalamka,urur-goboleedka IGAD iyo Xafiiska wakiilka UNta u qaabil san Somaliland Iyo Somalia waxaanu leenahay cidna ka aqbali mayno in ay ku soo xad-gudubto xuduudahayga.”ayaa lagu yidhi Qoraal saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Alla Mahadleh

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post