X

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiirka Dalka Czech Republic U jooga Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Ambassador Pavel Mikes, Image Araweelo News Network, 1 Desember 2020. Madaxtooyadda Somaliland.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka #Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Ambassador  Pavel Mikes oo safar ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Kulanka ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo ahaa mid albaabada loo xidhay oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, waxa markii uu dhammaaday qoraal saxaafadeed kooban kasoo saartay Madaxtooyadda Somaliland.

Nuqul ka mid ah qoraal saxaafadeedka oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, waxa lagu sheegay in lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horrumarinta waxbarashadda, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

 

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horrumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan. Sida lagu yidhi qoraalka kooban ee kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Ambassador Pavel Mikes, Image Araweelo News Network, 1 Desember 2020. Madaxtooyadda Somaliland.

Qoraal saxaafadeeedka ayaa lagu xusay in gebagebadii kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa, iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimi Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse qoraalka faahfaahin dheeraad ah oo la xidhidiha booqashada xilligan ee Safiirka Dalka Czech Republic u fadhiya dalka Ethiopia laguma bixin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Ambassador Pavel Mikes iyo Dublamaasiyiin la socday, Image Araweelo News Network, 1 Desember 2020. Madaxtooyadda Somaliland.

Socdaalka Safiirka ee Hargeysa, ayaa kusoo beegmay xilli xaaladda dalka Ethiopia ay kusii socoto qalalaase oo uu ka jiro dagaal u dhexeeya ciidamadda dalka Ethiopia ee dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Tigray, isla markaana xaaladda dagaalka ee ka taagan dalka Ethiopia laga cabsi qabo inuu saamayn ku yeesho amaanka iyo nabadgelyada mandaqada oo awalba liitay.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post