X

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo  Oo Dalka Kenya U Boqoolay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maanta u anbabaxay dalka Kenya 13 December 2020.

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Kenya , kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha dalkaas Mr. Uhuru Kenyatta. sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland.

 

 

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo  saaka ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee (Egal International Airport), waxaan ka hor intii aannay dalka ka dhoofin warbaahinta la hadlay afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, wuxuuna isagoo ka hadlaya safarka Madaxweynaha yidhi,  “Safarkani waxa uu daarran yahay sidii loo xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa xidhiidhka Diblomaasiyasadeed iyo midka  wada-shaqayneed ee inaga dhexeeya waddanka Kenya, muddada ay weftigu dalkaas ku sugan yihiinna waxa ay kulamo la qaadan doonnaan dhiggiisa waddanka Kenya Uhuru Kenyatta  .”

Balse afhayeenku ma sheegin mudada uu qaadanayo safarka Madaxweynaha Somalland iyo arrimaha ay sida gaarka ah ula xidhiidho ujeedada safarkoodu ee ay ka wada hadlayaan Madaxweynaha  Kenya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi waxa safarkaa ku weheliyay Xubno ka tirsan golaha wasiirada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Arrimaha gudaha,  Maxamed Kaahin Axmed, Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri xaaji ismaaciil Baandare, horumarinta caafimaadka,Cumar Cali Cabdullaahi iyo Horumarinta maalgashiga, Maxamed Axmed Cawad.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post