Madaxweynaha oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, ayaa sidoo kale, dhagax-dhigay waddada weyn ee isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo kamid ahayd ballanqaadyadii madaxweynaha ee xilligii ollolaha doorashada madaxtooyada, iyadoo ay dhacdooyinka ficilka ah ee Madaxweyne Cabdiraxmaan (Cirro) muujinayaan inuu bilaabay fulinta balanaadkii ollolaha xilli uu ku jiro boqolkii maalmood ee u horeeyay markii uu xafiiska la wareegay.
Madaxweynaha iyo weftigiis, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu dhagax-dhigayo bilowga waddada isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo muujinay in Xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD kaga dhabaynayso ballanqaadyadii xilligii ololaha ee xisbul-xaakimka WADDANI.
Munaasibadda dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee gollaha wakiillada, xubno kamid ah gollaha wasiirrada, madaxda hay’adda horumarinta waddooyinka, badhasabaabka gobolka Awdal, maayarka degmada Boorama, madax-dhaqameedka kala duwan ee gobolka Awdal iyo marti-sharaf kale duwan.
Munaasibada loogu xafladeeyay mashaariicdaa ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay waddadani u leedahay guud ahaan gobolka Awdal iyo isku xidhka dalka, isla markana dhaqaalaha gobolka iyo guud ahaan dalka wax weyn ka taray, waxana si weyn loo soo dhaweeyey dedaalka uu madaxweynuhu ugu jiro sidii raad muuqda oo dhinaca waxqabadka kaabayaasha dhaqaallaha ah uga fulin lahaa guud ahaan Awdal.
Badhasaabka gobolka Awdal, Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) iyo maayarka degmada Boorama, Mustafe Faarax Qabille oo munaasibadda ka hadlay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida lexejeclada leh ee uu ugu dhiirraday dhagax-dhigga waddadan muhiimka ah si uu u fuliyo ballanqaadkiisii.
Qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee ugu magaca weyn gobolka Awdal oo halkaas ka hadlay, ayaa si qalbi furan usoo dhaweeyey tallaabada horumarka leh ee uu ku dhagax-dhigay waddada isku xidhaysa magaalooyinka Boorama iyo Baki, waxana ay si cad u sheegeen inay tallaabadani tahay mid taariikhi oo uu madaxweynaha qaranku ku horumarinayo gobolka Awdal, isla markaana ka markhaati ah inuu fulinayo balanqaadkii bulshada xilligii Ollolaha.
Guddoomiyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xogwarramay waddadan iyo muhiimadda ay leedahay, waxana uu xusay inay madaxweynaha ka go’an tahay dhammaystirka waddadaasi.
Wasiirrada wasaaraddaha gaadiidka iyo Jidadka, Cismaan Ibraahim Afgaab, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdalle Maxamed Carab iyo Wasiirka warfaafinta, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey go’aanka uu kaga dhabaynayo ballanqaadyadiisii xilliga ollolaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in waddada maanta la dhagax-dhigayaa wax badan kusoo kordhin doonto dhaqaallaha iyo horumarka gobolka Awdal.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaa ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD mid mid u fulinayso dhammaanba ballamihii ay bulshadii codka siisay u qaadday, waxana uu bulshada ugu baaqay inay horumarka kala shaqayso xukuumadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda ka sheegay in ka madaxweyne ahaan ay ka go’an tahay fulinta wax kasta oo uu shacabka ugu ballanqaaday, waxana uu tilmaamay innay waddadani fure u noqon doonto horumarka oo dhinaca kaabayaasha oo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay ka fulin doonto gobolka Awdal, yidhi, “Waddadaasi waxa ay kordhin doontaa wax soo saarka gobolka haddii ay beero tahay iyo haddii ay macdan tahayba.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mashruuca ugu weyn ee xukuumaddiisu muddo-xileedkeeda fulin doontaa ka qorshaysan yahay gobolka Awdal, maaddaama oo ay ballamihiisa kamid ahaayeen, “mashruuca ugu balladhan mudo-xileedka xukumadda wadajir iyo waxqabad wuxuu noqon donaa mashruuc uu gobolka Awdal leeyahay oo noqon doona Boorama Fardaha ilaa iyo Lawyacaddo,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
fhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Dayr, ayaa sheegay in weftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland muddadii ay ku gudo jireen safarkooda shaqo waxa si weyn loogu soo dhaweeyey gudaha magaalooyinka Boorama, Dila iyo duleedka Kaantaroolka Caabdud la’, halkaas oo shacab ku lebbisan astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku qaabileen, iyagoo u muujiyay dareen farxadeed iyo yididdiilo