X

Shirkadda Dahabshiil Group Oo Ku Baaqay Nabad

Dahabshiil Group image Araweelo News Network.

#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)-Shirkadda Dahabshiil  ayaa ka hadashay collaada kasoo cusboonaatay deegaamada Gobollada Bariga Somaliland, qoraal koobban oo shirkaddu soo saartay waxay ugu baaqayday labada dhinac ee walaalaha ah inay dagaalka joojiyaan.
Shirkadda Dahabshiil waxay ugu baaqaysaa labada dhinac ee walaalaha ah ee is dhalay, xidid iyo xigaal ah, isla markaasna ku nool goobo aan kala fogayn (Buuhoodle iyo Qoru-lugud iwm) in ay xabadda iyo Dagaalka joojiyaan labada dhinac-ba si degdeg ah, ayaa lagu yidhi, qoraalka shirkadda Dahabshiil Group. .
“Xabad wiil iyo gabadhi toona kuma dhashaan ee way ku dhintaan.” ayaa lasii raciyay. qoraalka.
Sidaa awgeed, shirkaddu waxay baaqeeda ku tidhi, “Dhammaan qof walba oo xil haya dhammaan ciddii masuuliyad haysa oo ay ku jiraan kuwa xilka dhaqan, Ganacsatada iyo cullumo, waxaannu si xushmad iyo damqasho leh uga codsanaynaa in laga shaqeeyo nabadda oo ay doorkooda qaataan.”
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post