X

Shirka Gollaha Dhexe Ee Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Oo Lagaga Hadlay Arrimo Baddan

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Arrimo Baddan Shirka Gollaha Dhexe

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Shirka Gollaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka furmay maanta Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana ka qaybagalay Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye ku xgeenada, Murrashaxa Xisbiga ee u taagan doorashada la qoondeeyay 13 November 2024, sidoo kale, waxa madasha shirka ka qaybgalay xubnaha gollaha dhexe ee Xisbiga, marti sharaf kala duwan iyo taageerayaal ka tisan Xisbiga.

WADDANI, waa xisbiga ugu weyn ee Mucaaradka, waxaana shirka gollaha dhexe oo si weyn loo agaasimay, isla markaana ah shirkii gollaha dhexe ee Afraad , ayaa oo loo qorsheeyay  muddo laba maamood ah, waxaana ajandayaasha ugu waaweyn ee lagu girfaynayo ah in murrashaxiinta Xisbiga si sharci ah loogu iclaamiyo iyo in xubnaha gollaha dhexe lagu qabya tiro.

Masuuliyiinta madasha shirka ka qaybgalay ayaa khudbado dhaadheer oo ka hadlaya xaaladda dalka Somalilamnd ee xilligan iyo caqabaddaha dhinaca nollosha ku faaqdiday , iyagoo xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo xisbigeeda ku tilmaamay mid aan waxban balanqaadkii ay bulshada u qaaday, sidaa awgeed ay xisbiga WADDANI yihiin badbaadada dalka iyo dalka.

Guddoomiyaha WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa khudbadiisa kaga hadlay siyaasaddaha xilligan ku xeeran Somaliland iyo sida qaranka looga badbaadin karo.

Guddoomiye Xirsi oo arrimaha iyo kuwa kale ka hadlaya halkan ka dhegeyso.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post