X

Safarka Madaxweynaha Ee Dalka Imaaraadka Iyo Ujeedada Socdaalkiisa UAE

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) UAE, 10 Feb 2025.

#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulllaahi (Cirro) iyo wefti uu haggaminayo ayaa maanta gelinkii danbe safar ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta (UAE).
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa galabta diyaarad khaas ķaga duulay Madaarka Hargeysa (Egal International Airport) .

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha, isagoo xaqiijiyay in Madaxweynaha si rasmi ah loogu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha Dawladaha Adduunka sanadka 2025, shirkaa  oo 11-ka ilaa 13-ka bishan February ka dhici doona Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta UAE. wallow uu sheegay in shirka  ajandaha lagaga hadlayo uu yahay Sirdoonka Macmilka ah (international Artificial Intelligence (IAI)) ee dunda kusoo korodhay.

Sidoo kale, wuxuu xusay Xuseen Aadan Deyr oo ah Afhayeenka Madaxweynaha ayaa xusay in shirka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland shirkaa ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo qadiyadda Somaliland iyo ahmiyada ay gobolka u leedahay ee dhinacyada amniga iyo dhaqallaha.
Safarka Madaxweynaha ayaa yimi todobaadyo kaddib safarkiisii u horeeyayku tegey dalka Imaaraadka, iyadoo safarka xilligan uu noqonayo kii labaad ee dalka Imaaraadka uu tago,.
Madaxweynaha wefdigiisa waxa xubno ka ah.
𝟏. Wasiirka Madaxtooyada
𝟐. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah .
𝟑. Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha
𝟒. Wasiirka Diinta & Awqaafta
𝟓. Madaxa Xafiiska Madaxweynaha .

Afhayeenka Oo Ka Hadlaya Safarka Madaxweynaha

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post