X

Madaxweynaha Somaliland Oo Magcaabay Masuuliyiin Xukuumaddiisa Ah

Wareegto Madaxweyne.

#Araweelo_News _Network

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa magcaabay masuuliyiin cusub oo qayb ka ah xukuumaddiisa, kuwaas oo loo dheg-taagayay maalmahan.

Qoraal Saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ku taariikhaysan 13/01/2025, wuxuu Madaxweynu wareegto summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-029 /012025  ku magacaabay masuuliyiin cusub.

Wareegtada Madaxweynuhu waxay u dhignayd Sidan:-

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;

Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

Markii aan sameeyay: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyay;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan:

1.Maxamed Cali Maxamuud Shabeel Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Cumar (Ilkacase) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. Maxamed Cabdiraxmaan Xasan Rooble Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. Liibaan Maxamuud Diiriye Waaberi gaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. Aadan Cabdillaahi Cabdalle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6. Saleebaan Ibraahin Maxamuud Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

7. Cali Cige Maxamuud Dubad Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

8. Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

9. Eng Maxamuud Xuseen Aadan Jabaake Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

10. Maxamed Siciiid Maxamuud Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
_______________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post