X

Somaliland: Madaxweynaha Oo Madaxtooyadda Ku Qaabiley Aabaha Saddexdii Wiil Ee Lagu Dilay Ceeryaan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo qaabilay Oday Jaamac Maxamed Ismaaciil

Araweelo News Network

\

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil oo ah aabihii dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalkii ka dhacay Ceeryaan ee gobolka Sanaag, halkaa soo uu ku waayey saddex wiil oo uu laba ka mida dhalay midka kalena uu walaalkii dhalay.

Kulankaasi oo ahaa mid madaxweynuhu uu ugu horayn ka tacsiyadeeyey geerida saddexda wiil oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil, sidoo kalena waxa uu u madaxweynuhu ka balan qaaday oday Jaamac in Xukuumadda iyo qaranka Somaliland ay la korinayaan ubadkii ay ka tageen saddexda marxuum, laga bilaabo maantana ay ka xukuumad ahaan kafaalo qaadeen, korinta, barbaarinta iyo waxbarashada ubadkaasi, balse aanu keli ku noqonayn daryeelkooda ee uu niyada u sheego in qaranku barbartaagan yahay marwalba, wixii hadda ka danbeeya.

Waxaanu madaxweynuhu oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil ku hambalyeeyey go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, kuna demiyey colaadii labada beelood ku dhex martay degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ee dhawaan la soo afjaray.

Xubnaha kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey waxa ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Dheere, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post