Madaxweyne Cirro Oo Dhagax Dhigay Mashruuc loo qoondeeyay Berbera oo ku kacaya $ 20, 000 000, si laydhka loo jebiyo
Araweelo_News_Network
Berbera(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay oo weli ku guda jira Safarkiisa shaqo ee maalintii 2-aad Gobolka Saaxil ayaa maanta dhagax dhiggay Mashaariic kala duwan oo qaarkood ku kacayaan lacag gaadhay $ 20, 000 000, kuwaas oo laga fulinayo Magaalada Berbera.
Madaxweynahu, wuxuu maanta dhagax dhigay Mashruuca Tayaynta iyo Ballaadhinta Korantada Magaalada Berbera, oo ah baahida ugu weyn ee Bulshada, isagoo caddeeyay in hadda wixii ka danbeeya Laydhku noqonayo mid aad u jaban oo qiimuhu aad uga hooseeya intii lagu iibin jiray.
“Mashruucan wuxuu ahaa $ 50, 0000 000, waxaana loo qoondeeyay Berbera $ 20, 000 000, si laydhka loo jebiyo, lacagtaa inta kale waxa ku xigga gobolka Awdal oo ka mid ah meelaha loo qoondeeyay.” ayuu yidhi.
Madaxweynuhu, wuxuu xusay innay jirayaan maalqabeeno kale oo doonaya innay maalgashi ku samaystaan Laydhka Berbera, isagoo xusay in aannay xukuumad ahaan shirkaddaha faragelinayn sheerarna ku yeelanayn.
” Ma rabo in wixii aan ku olalleeyay innay been noqdaan, Laydhka Berbera waa in la gaadhsiiya intii aan ku olalaynay., ayuu yidhi, Madaxweyne Cirro oo ka hadlayay munaasibad loo qabtay mashruuca ballaadhinta.
“Xukuumad ahaan waxaan ku ololaynay in Laydhka la gaadhsiiyo qiime jaban, waxan balanqaadaynaa sidii aannu ku ollolaynay in bisha todobaad la gaadhsiiyo $0,20, mana doonayno in aannu shirkaddaha laydhka dulmino, waxaanse ku shaqaynaynaa dareenka dadka shacabka ah ee na doortay, diyaarna waan u nahay wixii lala qabanayo shirkaddaha oo la wada shaqeeyo.”
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay mashruuc kale oo ah Biyo ballaadhinta Berbera, kaas oo lagaga hadlay munaasibadda loo qabtay muhiimadda uu leeyahay Magaalada.
Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Khadar Siciid Axmed (Firiko) ayaa madasha ka hadlay,isagoo sheegay in mashruucani uu wax weyn ku soo kordhin doonno Biyaha Magaalada Berbera ,maddaama oo ay tahay Berberi Magaalo xeeb ah oo u baahan biyo badan,isla markaana ay xoolaha ka dhoofaya Dekadda isticmalaan.
Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Abubakar Cabdiraxmaan Good oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay Mashruucan biyo ballaadhinta Berbera ayaa dhankiisa sheegay in mashruucan uu yahay mid ay Dawladdu hirgelinayso, isla markaana laga fulinayo Qasnada Dawlada.
Madaxweynaha , ayaa wasaaradda Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Berbera uga mahadnaqay in mashruucan la dhagax dhigo, wuxuuna ku baaqay in hirgelintiisa la dedejiyo, isagoo Madaxweynuhu markaa kaddib si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruucan biyo ballaadhinta Magaalada Berbera.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah uga dhax-dhigay goob loo asteeyay Aagga Warshaddaha, halkaas oo noqon doonta xarrun u gaar ah warshadaha iyo wax soo saarka.
Xaflad ballaadhan oo ka qabsoontay Aagga loogu tallo-gelay warshaddaha ayuu Madaxweynuhu ka dhagax-dhigay mashruucan oo laf-dhabar u ah horumarka dalka,isla markaana saamayn weyn ku yeelan doona nolosha bulshada reer Berbera iyo guud ahaan Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshaddaha Siciid Maxamed Buraale, oo ka hadlay munaasibada ayaa ka warramay horumarka iyo mihiimada ay Qaranka u leeyihiin Aagga Warshadaha ee Madaxweynuhu dhagax dhigay.
Madaxweynaha, ayaa dhankiisa sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo maalgashanaysa dalka JSL,waxaanu xusay in dhawaan alaabtii debada laga keeni jiray ay Warshadduhu halkan ku samayn doonnaan.
“Dunidu maanta Somaliland way u soo jeedaa, ayuu yidhi, Madaxweynaha oo tilmaamamay ahmiyada ay leeyihiin mashaariicda laga fulinayo gobolka Saaxil, gaar ahaan Magaalada xeebta ah ee Berbera, isagoo markaa kaddib Madaxweynuhu dhagax-dhigay Aaga Warshaddaha.ee Magaalada Berbera.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa kulan bllaadhan oo afur iyo casho ah qasriga Madaxtooyadda Magaalo xeebeedka Berbera kula yeeshay Odayaasha Wax-garadka iyo Haldoorka Gobolka Saaxil.
Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka sheegay kulankaa in Xukuumadda uu hoggaamiyo ee wax-qabad iyo wadda jir iyo tallooyinka iyo soo jeedimihii haldoorka kale duwan iyo wax-garadka soo dhowaynayaan, taas oo sida uu sheegay uu weelaystay soo jeedimaha ay usoo gudbiyeen, isagoo sheegay in si guud looga wadda shaqeeyo horumarinta dalka.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com