X
    Categories: Ethiopia

Xukuumadda Somaliland Xoriyadooda U Celisayi Wasiiro Xukuumaddii Hore Ee Jigjiga Ka Tirsnaa

Maxamed Kaahin

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland Xoriyadooda u celisay laba masuul oo ka tirsanaa Xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ee ka tilinaysay deegaanka is maamulka Soomaalida Ethiopia.

 

WAsiiradda  ka tirsanaa maamulkii hore ee DDSI oo kala ahaa Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda, ayaa laga qabtay horaantii todobaadkan dhabaha diyaaradaha ee magaalada Hargeysa imago usii jeeda dhinaca Dalka Kenya, waxayna xukuumadda Somaliland ku sifaysay xadhigooda inuu ahaa iyagoo sifo sharci daro ah kusoo galay Somalialnd.

Balse  Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xaqiijiyay in xoriyadooda loo celiyay maanta labadaa masuul ee hore uga tirsnaa xukuumaddii Madaxweynihii hore ee dawlada deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu sidaa u xaqiijiyay Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, mana uu bixin tafaasiil dheeraad ah.

sheegay in labadaas wasiir ay sharci darro ku soo galeen Somaliland
Wasiir ka tirsan golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in ay sii daayeen laba wasiir oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland, ayaa dawladda Ethioia ku wareejisay 14 Gaadiid ah oo Isugu Jira kuwo waaweyn oo xamuul ah iyo kuwo yar yar, gaadiidka oo Booliska Somalikand gacanta ku dhigeen iyadoo lala baxsanayo markii ay dawladdii Cabdi Maxmuud Cumar meesha ka baxday oo rabshado iyo boob ka dhaceen deegaankaa, gaar ahaan Magaalada Jigjiga.

Xubnihii ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa inay xadgudubyo gaysteen mudadii ay xukunka hayeen, iyadoo warbixino ay Hay’addaha xuquuqda Aadamuhu soo bandhigeen tacadiyo ay geysteen mudadii ay xilka hayeen.

 

Madaxweynihii hore ee Kilika Cabdi Maxamuud Cumar ayaa , sida ay wararku sheegayaan, wuxuu ku jiraa xabsi guri, magaalada Addis Ababa, ayadoo ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu shalay warfidiyeenka u sheegay in “arrintiisa ay tahay mid u taalla sharciga Ethiopia”.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post