Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland Xoriyadooda u celisay laba masuul oo ka tirsanaa Xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ee ka tilinaysay deegaanka is maamulka Soomaalida Ethiopia.
WAsiiradda ka tirsanaa maamulkii hore ee DDSI oo kala ahaa Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda, ayaa laga qabtay horaantii todobaadkan dhabaha diyaaradaha ee magaalada Hargeysa imago usii jeeda dhinaca Dalka Kenya, waxayna xukuumadda Somaliland ku sifaysay xadhigooda inuu ahaa iyagoo sifo sharci daro ah kusoo galay Somalialnd.
Balse Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xaqiijiyay in xoriyadooda loo celiyay maanta labadaa masuul ee hore uga tirsnaa xukuumaddii Madaxweynihii hore ee dawlada deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu sidaa u xaqiijiyay Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, mana uu bixin tafaasiil dheeraad ah.
sheegay in labadaas wasiir ay sharci darro ku soo galeen Somaliland
Wasiir ka tirsan golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in ay sii daayeen laba wasiir oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dhinaca kale xukuumadda Somaliland, ayaa dawladda Ethioia ku wareejisay 14 Gaadiid ah oo Isugu Jira kuwo waaweyn oo xamuul ah iyo kuwo yar yar, gaadiidka oo Booliska Somalikand gacanta ku dhigeen iyadoo lala baxsanayo markii ay dawladdii Cabdi Maxmuud Cumar meesha ka baxday oo rabshado iyo boob ka dhaceen deegaankaa, gaar ahaan Magaalada Jigjiga.
Xubnihii ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa inay xadgudubyo gaysteen mudadii ay xukunka hayeen, iyadoo warbixino ay Hay’addaha xuquuqda Aadamuhu soo bandhigeen tacadiyo ay geysteen mudadii ay xilka hayeen.
Madaxweynihii hore ee Kilika Cabdi Maxamuud Cumar ayaa , sida ay wararku sheegayaan, wuxuu ku jiraa xabsi guri, magaalada Addis Ababa, ayadoo ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu shalay warfidiyeenka u sheegay in “arrintiisa ay tahay mid u taalla sharciga Ethiopia”.