X
    Categories: Ethiopia

Xukuumadda Ethiopia Oo Xadka Wajaale Ku Qabatay Lacag Malaayiin Ah Iyo Todoba Kiilo Oo Dahab Ah

Lacagta iyo Dahabka la qabtay.

Hargeysa(ANN)-Dawladda Ethiopia, ayaa sheegtay inay xadka Wajaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ku qabatay lacago kala duwan oo ay leeyihiin 12 Dal iyo Dahab gaadhaya 7 Kiilo oo la doonayay in laga saaro dalkooda.

Wasiirka Wasaaradda Dakhliga Ethiopia,  Adanech Abebe, ayaa sheegtay “lacagaha la qabtay ay isugu jireen 8,200 oo Yuuro, 31,990 Giniga Istarliinka ah, 25,665 Doolarka Kanada, 8,800 oo doolarka Austraaliya ah, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland”.

Sida oo kale waxay sheegtay in  lacagaha kale ee la qabtay ay ka mid ah ahayd  “ 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 Riyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qaydhiin”.ayay tidhi, Adanech Abebe.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post