#Araweelo News Network.

Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa la kulmay wefdi ka socda Midawga Yurub, kuwaas oo kulan kula yeeshay Xafiiska Kommishaka Doorashooyinka Qaranka Salaasadii maanta. 22 Oct 2024.

 

Sida ay shaaciyeen Gudidda Doorashooyinka Somaliland xubnha Midawga Yurub ee ay ku qaabileen xafiiskiisooda waxa hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub Amb. Karin Johansson.

Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in ay wefdiga Midawga Yurub ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sida loogu diyaar-garoobay, iyagoo, iyagoo yidhi, “waxan ka wada hadlay arrimaha diyaar-garowga doorashada mudaysan 13 Nov 2024.” sida ay ku sheegeen qoraal kooban oo warbaahinta lala wadaay, kaas oo kasoo baxay Xafiiiska Gudidda Doorashooyinka Qaranka.

 

Dhinaca kale, Gudidda Doorashooyinka ayaa sheegay innay soo gaadheen agabkii ugu danbeeyay ee doorashooyinka oo laga soo dejiyay Madaarka Caalamiga ah, kaas oo  ka koobban Sanaaduuqdii, Ilo-xidhkii, Khadkii iyo Shaanbadihii Codbixinta.

Munaasibada kooban oo lagu qabtay Madaarka Hargaysa aoo ay kasoo qayb galeen daneeyayaasha Doorashada ee Xisbiyada iyo ururad siyaasadda, ayaa lagu qaabilay soo dejinta agabkaa, waxayna daneeyayaashu u riyaaqeen shaqada adage e uu ku hawlan yahay Gudidda Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gudidda ayaa xusay in qalabkii Doorashooyinka ee dibadda laga sugayay  boqolkiiba sagaashan dalka soo gaadheen oo ay gacanta ku hayaan inta hadhayna ay yihiin wax yar,  sidaa awgeed waxay taageerayaasha tartamayaasha ugu baaqeen inay nabada ilaaliyaan oo ay doorashada ku galaan si nabad ah, kana fogaadaan wax kasta oo sumcada iyo amniga waxyeeli kara.

Gudidda Doorashooyinka Somaliland iyo xubnaha Midawga yurub kullanka Xafiiska kommishanka ee Hargeysa 22 Oct 2024.

 “Maanta oo ay bishu tahay 22 , Oct 2024, waxan madaarka Cigaal ee Hargaysa kusoo dhawaynaynaa qalabkii ugu dambeeyey doorashooyinka lagu galaayey, anagoo komishankii iyo xubnihi ka socday rururada iyo axsaabta qaranka ka kooban, runtii qalabkani waa qalabkii ugu dabeeyey, wax kale oo noo hadhay oo muhiim ah ma jiraan, arintaasina waxay ka turjumaysaa in dhamaanba agabkii noo dhamaystirmay oo wixii hada ka danbeeya loo dhaqaaqay xilligii doorashada la galayey”.

Agabkii u danbeeyay ee doorashooyinka Somaliland oo lag a sii dejinayo Madaarka Egal International Airport ee Hargeysa 22 Oct 2024.

Agabkii u danbeeyay ee doorashooyinka Somaliland oo lag a sii dejinayo Madaarka Egal International Airport ee Hargeysa 22 Oct 2024.

Gudidda Doorashooyinka ayaa digniin u diray dhammaan Axsaabta Qaranka iyo Ururada Siyaasadda, iyagoo uga digay wax kasta oo sharciga iyo xeerarka anshaxu aannay ogolayn, sida awgeed waxay ugu baaqeen innay  iska ilaalinyaan waxyaabaha cunfiga iyo kala fogaanta keenaya, waxayna usoo jeediyeen tartamayaasha innay si nadiif ah oo aan turxaan lahayn u qabsadaan olollahooda xilliga loo cayimay ee jadwalka oo ay ilaaliyaan xeerarka iyo nidaanka anshaxa Ollolaha.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com