Dubai (ANN)- Bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Imaaraadka oo lagu casuumay masuuliyiin iyo khabiiro ka socday 40 dal, kuwaas oo uu ku jiro Bangiga dhexe ee Somaliland.
Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Somaliland Xamse Khayre oo hoggaaminayay koox ka socotay Bangiga dhexe ee Somaliland oo ka qaybgalay shirkaa, wuxuuna sheegay in saraakiil iyo khuburo gaadhaya 800 ay ka qaybgaleen shirkaa, kuwaas oo ka socday wadamada hanaanka maaliyadeed ee Islaamiga ah oo isugu jiray wakiilo Bangiyo iyo Hay’addo caalami ah oo maaliyadeed.
Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe ee Somaliland, Xamse Khayre, ayaa ku tilmaamay shirka lagu casuumay mid Guuul weyn ah, isagoo sheegay in ay ka qaybgalka ka sokow ay guul u ahayd inay la kulmaan Dr. Abdelilah Belatik, Xoghayaha Guud ee Hay’adda Cibafi Secretariat iyo Dr. Muhammad Bilal.
Guddoomiye Xamse, waxa uu tilmaamay in ay wefdiga ka socotay Somaliland ee uu hoggaaminayay ka mid yihiin xubnaha Guddida Shareecada ee Bangiga Dhexe Somaliland

“Waxaan uga mahadcelineynaa soo dhoweyntii diirranayd iyo wadahadalladii wax-ku-oolka ahaa ee ku saabsanaa iskaashiga mustaqbalka ee bangigeena dhexe iyo CIBAFI ee dhinaca kobcinta Nidaamka Maaliyadeed ee Islaamiga ah..” ayuu yidhi, Guddoomiye Xamse Khayre.

Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe ee Somaliland Xamse Khayre ( Bidix) iyo Guddoomiyaha Guud ee Hay’adda AAOIFI, Shaikh Ebrahim Bin Khalifa Al-Khalifa, (midig) shirka Bangiyada Islaamiga.
Sidoo kale, wuxuu xusay in CIBAFI & Mac-hadka Aqoonta Bangiyada ee Somaliland SLIBF iyo CIBAFI ay heshiis leeyihiin. “Anagoo ku dul dhisaynaa heshiiskaas hore waxaanu isla garanay inaan balaadhino dhinacyada la iska kaashanayo taas oo dhawaan aanu saxeexi doono heshiis buux oo iskaashi oo taabanaya dhincyo badan. ” ayuu yidhi.
Waxaa kale oo uu Guddoomiye Xamse si wayn ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Guud ee Hay’adda AAOIFI, Shaikh Ebrahim Bin Khalifa Al-Khalifa, isagoo ku amaanay sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyayay dalka wufuud ka kala socotay 40 dal oo Somaliland ka mid tahay.
Shaikh Ebrahim Bin Khalifa, ayaa sida uu xusay wuxuu habeen hore casho sharaf ugu sameeyay gurigiisa gaarka, isagoo si gaar ah ugu maamuusay ilaa 28 bangi dhexe oo uu ku jiro Bangiga dhexe ee Somaliland oo ka mid ahaa kasoo qaybgalayaasha.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
@araweelonews
Araweelo News Network.
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
Araweelo News Network.
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/