X

Gollaha Wakiilladda Oo Codka Awoodda Baddan Ee Diidmada Qayaxan U Adeegsaday Dalabka Xeer Ilaalinta Somaliland

Xildhibaan Abiib Oo Xabsiga Ku Jira Iyo Xasaannadiisa Oo La Diiday, Go’aanka Gollaha

#Araweelo_News_Network
Hargeysa(ANN)-Muddanayaasha Gollaha Wakiilladda Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta oo Salaasa ah, waxay si cad ugu diideen cod dalabka Xeer Ilaalinta maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo shalay xukuumaddu xabsiga u taaxaabtay, isagoo kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.
Shirgudoona gollaha oo isla shalay canbaareeyay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib oo ay ku tilmaameen mid sharciga baalmarsan, ayaa fadhigii gollaha ee saaka soo hordhigay dalabka xeer ilaalinta ee maamuus ka xayuubinta si golluhu go’aan uga gaadho.
Fadhiga oo aha markii labaad ee Eedda xeer ilalainta la horkeeno, iyadoo xildhibaanada tiradii loo baahnaa loo waayay fadhigii hore, balse fadhiga salaasadii oo ay joogeen tiradii loo baahnaa in ka baddan 2/3, waxa shir-gudoominayay Guddoomiyaha Gollaha Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa kasoo xaadiray  57 Xildhibaan, kuwaas la weydiiyay aqbalaada ama diidmada inay u codeeyaan eedaynta maamuus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.
Markii laga akhriyay gollaha eedaynta waxa cod loogu qaaday Eedii Xeer ilaaliyaha guud uu ku dalbanayay in Xasaannadda looga qaado Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf si dacwad loogu ooggo, balse gollaha ayaa ganafka ku dhuftay dalabkaa.

Gollaha Wakiillada Somaliland Salaasa 3 Sep 2024, Ataweelo News

57 xildhibaan oo maddasha fadhiyay markii codka la weydiiyay waxa ogolaaday eedii Xeer ilaaliyaha Guud 3 muddane oo waafaqay in xasaannadda laga qaado xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, waxaase diiday oo gaashaanka u daruuray  51 muddane, halka ay ka aamuseen laba muddane, iyadoo guddoomiyuhu aannu coddayn. sidaana waxa lagu hor istaagay dalbka xeer ilaalinta codka diidamada qayaxan 2/3 saddex meelood oo laba meelood oo ah codkii loo baahnaa in lagu aqbalo ama lagu diido maamuus ka xayuubinta xildhibaanka sida uu tilaamamayo sharcigu.
Gebi ahaanba eedda Xeer Ilaalinta ee ku waajahnayd xidlhibaan Maxamed oo markii codka la qaaday ku jitay xabsiga, ayaa sidaa ku burtay, iyadoo aan xasaanadda laga qaadin, kaddib markii shalay laga qabtay madaarka Hargeysa, xilli uu dalka kusoo laabtay, loona gudbiyay xabsiga mandheera ee duleedka gobolka Saaxil.
Xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa si weyn loogu canbaareeyay xukuumadda, waxaana lagu macneeyay mid lagu abuurayo qalalaase iyo in doorashada iyo xasiloonida dalka oo horeba ula daalaa dhacayay dhibaatooyin qalalaase siyaasadeed iyo collaado la doonayo in lagu sii kiciyo gobolka Awdal, balse siyaasiyiinta mucaraadka ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Awdal iyo gollada kaleba in aan la marin dariiqa fawdada iyo burburka ee xukuumaddu doonayso innay kusii wado dalka ee  siyaasadda guracan iyo jar iska xoornimada ah.
Go,aanka Sharci Ee Gollaha

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post