X

Arrimaha Lagaga Hadlay Kulan Albaabada Loo Xidhay Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyayaasha Gobollada Dalka

Maxaa Kasoo Baxay Kulanka?
#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulanka ayaa lagu tilmaamay mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayay nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay.
Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay kulanka kaddib qasriga Madaxtooyada oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Deyr, waxa uu sheegay in in Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay ay ugu mudanaayeen.
𝟏. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka.
𝟐. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada.
𝟑. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada,
𝟒. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha.
𝟓. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada:
Sidoo kale, wuxuu xusay in Madaxweynuhu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland tahay mid muhiim ah oo  adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.
“Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo mas’uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii.” ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar la’aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.
Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyayaasha ayaa noqonaya kii labaad mudadii uu xafiiska joogay.

Ma u malaynay in saaxiibadaa xiisaynayaan mawduuca Warbixintan? la wadaag oo la sheergaree.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post